Madaxweynaha oo garoonka diyaaraddaha kaga guddoomay aqoonsiga safiirka Canada

Bulsha:- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maalin ka hor waxaa uu garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho waraaqaha aqoonsiga kaga guddoomay Safiirka cusub ee Canada u qaabilsan Soomaaliya oo aan degenaansho ku yeelan doonin Muqdisho.

Safiiradan oo lagu magacaabo Sara Hradecky ayaa waxay Canada u qaabilsan tahay illaa shan dal oo ku yaala dalalka Bariga Afrika, sida Kenya, Uganda, Rwanda, Burundi iyo Soomaaliya iyadoo xarunteeda tahay Kenya, halka wadamada kalena aanay degenaansho ku laheyn.

Qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayay ku sheegtay inay sharaf u tahay in waraaqaha aqoonsiga ee Safiirnimo ka guddoomo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.Sidoo kale waxaa ay kula kulantay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaahsiga Caalamiga Danjire Yuusuf Garaad Cumar.
Safiirada cusub ee Canada u qaabilsan Soomaaliya ayaa waxay kaloo xarunta Xalane kula kulantay Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Danjire Micheal Keating iyo madax kale.

Inkastoo Madaxtooyada iyo Wasaaradda Arrimaha dibadda aysan midna faafin arrintan, hadana waxaa loo arkaa in dowladda Soomaaliya arrintan hoos u dhigtay, maadaama Safiirada degenaansho ku laheyn Soomaaliya, isla markaana halka warqadaha aqoonsiga looga guddoomay aanay aheyn Madaxtooyadii Qaranka.Waa markii u horeysay ee Madaxweynaha uu Safiir la soo magacaabo waraaqaha aqoonsiga kaga guddoomo gudaha garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, waxaa horay Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaashii ka horeeyay ay waraaqaha aqoonsiga ay Safiirada kaga guddoomi jireen Madaxtooyada, taasoo ah nidaam qeyb ka ah shuruucda diblomaasiyadda Caalamiga ah.

Source: Jowhar.com










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment