Layaab:- Booliska Mozambique oo u digay ragga bidaarta leh

Bulsha:- Booliska Mozambique ayaa u digay ragga bidaarta leh in ay bartilmaameed u noqon karaa weeraro. Waxaa ay sheegeen sedex nin oo bidaar leh in lagu dilay dhawaan degmada dhexe ee Milange .Mid ka mid aha ayaa lagala baxay xubnaha jirkiisa.

Booliiska ayaa waxa ay sheegeen in raggan bidaarta leh ay dileen dad aaminsan in madaxiisu ku jira dahab.

Laba qof oo falkan looga shakisan yahay ayaa la xiray oo labaduba ay dhalinyaro yihiin.

Waxa ay booliiska u sheegeen in jirka ragga bidaarta leh loo isticmaalo xafladaha islamarkana la rumaysan yahay in ay badinayso hantida.

Dhaqankan wali horay looma soo sheegin haseyeeshee waxaa jiray in la dilay dad badan al Albiinada loo yaqaaanno ee koonfurta iyo bariga Africa, gaar ahaan dalka Tanzania .

Qaybaha jirkooda ayaa waxa loo isticmaalaa dhaqan diimeed.
Waxa la rumaysan yahay in dadka gata ay u soo jiidaan nasiib wanaagsan iyo jaceyl .











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment