Lama Filaan: Shraddha Kapoor Oo Sheegtay Inay Dhiiri Galisay Alia Bhatt

Bulsha:- Waxaa la wada ogyahay labada atirisho ee dhalinta yar Shraddha Kapoor iyo Alia Bhatt inuu ka dhaxeeyo loolan gaar ah iskuna heestaan awooda Boxoffice-ka jiilka haatan Bollywood-ka dhex muuqdaan.

Hadana si lama filaan ah Shradha Kapoor waxay u sheegtay inay dhiiri galin ama ku dayasho ka heshay Alia Bhatt mana ahayn wax laga filaayay in Shraddha afkeeda soo mari doono.

Shraddha Kapoor waxay tiri “Alia Bhatt waa atirisho dadaal badan shaqadeedana hormariso sidaa darteed kartideeda waa mid i dhiiri galiso waxaana jeclahay inaan kaga deydo dadaalka ay sameyso”

“Aniga ahaan wax cabsi ah kama qabo loolanka Bollywood-ka ka jiro waxaan jeclahay qofkii guuleesto ama hormar sameeyo inaan ku daydo sidoo kalena sidiisa camal guulo gaaro anigoo dadaalkeyga sii laba laabayo”

Dabcan Shraddha Kapoor si qurux badan ayay u hadashay waxayna sharaxday in loolanka Alia Bhatt kala dhaxeeyo uusan ahayn mid xumaan iyo xifaaltan xambaarsan balse uu ku saleesan yahay in shaqada adag iyo guulaha la isaga daydo.
Dhinaca shaqada Shraddha Kapoor filimkeeda xiga Haseena – The Queen of Mumbai waxaana la daawan doonaa 28-ka July 2017.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment