Kareena Kapoor Khan Wiilkeeda Taimur Safarkii Ugu Horeeyay Meel Ka Baxsan Hindiya Ayay U Wadi Doontaa

Bulsha:- Wiilka yar ee Bollywood-ka marwalbo hadal hayaan Taimur Ali Khan ayaa la xaqiijiyay inuu safarkiisa ugu horeeyo dibada ah hooyadiis Kareena Kapoor Khan u raaci doono.

Shabakada Mid Day ayaa xaqiijisay in Kareena Kapoor Khan dhawaan safar shaqo ku aadi doonto magaalada London waxaana socdaalkaan ku wehlin doono wiilkeeda yar Taimur.

WARAR DHEERAAD AH:
Taimur hooyadiis ma uusan raacin safaradii ay bilawgii sanadkaan ku aaday magaalooyinka London iyo Dubai madaama uu aad u yaraa balse 6-bilood ayaa u buuxsantay socdaal safar dheer ahna wuu gali karaa.

London waxay ka mid tahay magaalooyinka ay Kareena Kapoor ugu jeceshahay inay u safarto xili walbo markaana shirkad ay xayeysiin u sameeneyso ayaa halkaas ugu yeertay wiilkeeda Taimur-na kama hari doono.

Kareena seygeeda Saif Ali Khan safarkan kuma wehlin doono madaama uu Saif ku mashquulsan yahay duubista filimkiisa Baazar oo la daawan doono dhamaadka sanadkaan.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment