Blogger Widgets

Hailemariam oo si aan laga fileynin u difaacay Mowqifka Farmaajo ee Khilaafka Sacuudiga iyo Qadar

Bulsha:- Ra’isal wasaaraha Ethiopia Hailemariam Dessalegn, ayaa difaacay go’aanka ay dowlada Somalia ka qaadatay xiisada ka dhex aloosan dowladaha Sacuudiga iyo Qadar.

Hailemariam Dessalegn, ayaa sheegay in Somalia ay ku taageersan yihiin go’aanka ay dhex dhexaadka uga noqdeen xiisada, waxa uuna tilmaamay in Somalia aysan xiligaani ka bixi karin kamid noqoshada khilaafka Khaliijka.

Hailemariam Dessalegn, waxa uu sheegay in Somalia ay ku guda jirto xaalad hormarineed, waxa uuna cadeeyay inay ku talinayaan inay faraha kala baxaan Khilaafka ka dhexeeya wadamada wada dhashay.

”Ma haboona in Somalia ay fursadaheeda ku lumiso la kala safashada dowladaha Khaliijka, waxaan qabaa in Somalia ay ku saxan tahay mowqifka ay ka qaadatay xiisada” ayuu yiri Hailemariam Dessalegn.

Sidoo kale, Hailemariam Dessalegn ayaa sheegay in xitaa dowladiisa ay iska fogeysay dalab uga imaaday dowladaha Qadar iyo Sacuudiga.

Dhinaca kale, Hailemariam Dessalegn waxa uu sheegay in dowladiisa ay diiday kamid noqoshada xiisada carbeed, isagoo sabab ka dhigay inaanu boos uga banaaneyn dhexgalka labada dal.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Brothers Group

This is a short description in the author block about the author. You edit it by entering text in the "Biographical Info" field in the user admin panel.
    Blogger Comment
    Facebook Comment