Gabre oo la ceyriyey iyo qaar kamid ah codsiyadii Farmaajo ee Ethiopia oo la fuliyay

Bulsha:-  Dowladda Itoobiya ayaa fulisay qaar ka tirsan codsiyadii uu Madaxweyne Farmaajo ka codsaday markii uu kulan heshiis ka dambeeyey la qaatay Ra’iulwasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn.

Madaxweynaha Soomaaliya oo markaas booqday dalka Itoobiya ayaa heshiis kala duwan la saxiixday oo ay kamid ahaayeen inay Itoobiya joojiso faragelinta ay ku heyso Soomaaliya, Sidoo kalana ay joojiso xiriirka tooska ah oo ay la sameeneyso Maamul Goboleedyada.

  • Haddaba wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegayo inay dowladda Itoobiya fulisay qaar kamid ah codsiyadii Madaxweyne Farmaajo.

  • Haddaba halkaan hoose ka akhriso codsiyada ay ilaa hadda fulisay Itoobiya

  • Tan koowaad waxay ahayd qaadista cunaqabateynta hubka in ay shirarka caalamiga ah nagu taaggeeraan

Tan labaad in Itoobiya badasho dhaqankeeda la acaaamilka dowlad goboleedyada iyada oo aan dowladda dhexe Amar laga haysan.
Tan 3aad in Gabre laga saaro inuu faraha kula sii jiro hawlaha Somalia: Wararka laga helay madaxda Urur Gobolkeedka IGAD ayaa sheegaya in Jeneraalka muranka badan ka taagnaa ee Itoobiyaanka Gen. Gabre laga qaaday xilkii, Gen. Gabre ayaa la sheegay in laga qaaday xilkii uu IGAD ka hayay, gaar ahaan qeybta Soomaaliya qaabilsan, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan ururka IGAD.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment