Dowladda Norway oo Dumarka ka mamnuucdayay in ay xirtaan Niqaab ama Indha-shareer.

Bulsha:- Isbahaysiga tallada haya ee dalka Norway, ayaa soo jeediyay qorshe lagu mamnuucayo Niqaabka ama in dumarka ay wajiga dabooshaan marka ay joogaan goobaha waxbashada ee dalka oo dhan.

Dowladda ayaa waxaa ay arrintaasi u sababeysay in ay cabaqad ku tahay xiriirka.

Mas’uuliyiinta ayaa ballan qaaday mamnuucidda Niqaabka sanadkii la soo dhaafay.

“Ma dooneyno in dhar lagu daboosho wajiga marka la joogo goobaha caafimaadka, iskuuladda iyo Jaamacadaha”, sidaasi waxaa yiri wasiirka waxbarashada iyo cilmibaarista dalkaasi Torbjorn Roe Isaksen.

Bishii lasoo dhaafay Baarlamaanka dalka Norway ayaa meelmariyay hindise mamnuucaya in gabdhaha Muslimiinta ay xirtaan wajiga inta ay dalkaasi joogaan.
Dowladdaha France, the Netherlands, Belgium, Bulgaria, iyo German, ayaa horay uga mamnuucay gabdhaha Musliinta ee dalalkaasi ku nool in ay Niqaabka ama Indha-shareer xirtaan.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment