Dowladda Federaalka oo Maanta Shaacisay in Gacanta Lagu soo Dhigay Hogaamiye Ciise Tarabuun (VIDEO)

Bulsha:- Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shaacisay in howlgal laga sameeyey qeybo kamid ah Suuqa weyn ee Baaraka lagu soo qabtay Madaxii Amniyaadka ee Kooxda Alshabaab ee gobolka Banaadir.

Ninkan oo lagu magacaabo C/wahaab Khaliif Axmed oo lona yaqaan (Ciise Tarabuun) ayaa waxaa gacanta lagu dhigay howlgal ka dhacay Suuqa Bakaaraha.



Wasiirka Amniga ee dowladda Federaalka mudane,Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa sheegay in howlgalkan uu ahaa mid qorsheysan isla markaana uu yahay guul ay soo hooyeen ciidanka Xasilinta Caasimadda.
Dhanka kale Wasiirka ayaa ka hadlay jidadja xaafadaha dhex-dooda mara ee Caasimadda oo qeybo kamid ah la xiray, isagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in dulqaad ay muujiyaan maadaama waxa laga shaqeynayo ay yihiin amni, una baahan yahay feejignaan dheeri ah.

Wasiirka ayaa hambalyo dheeraad ah u diray Ciidamadda Xasilinta Caasimadda, waxana uu bogaadiyey xoojinta amniga ee ay ciidamadu ka wadaan caasimadda Muqdisho iyo sida ay howsha u socoto.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment