Diyaaradda Qatar Airways oo bilowday inay isticmaasho Hawada Soomaaliya (Daawo Khariirada)

Bulsha:- Diyaaradda Qatar Airways oo ka mid ah diyaaradaha caalamiga ee ugu caansan Adduunka ayaa bilowday inay isticmaasho Hawada Soomaaliya.

Dowladaha Sacuudiga, Masar, Baxreyn iyo Imaaraadka Carabta ayaa xiriirka u jaray dowladda Qatar, waxaana ay ka xirteen in diyaarada Qatar Airways ay isticmaalaan hawadooda.

Saraakiil ka tirsan Hey’adda Saadaasha iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in tan iyo shalay ay hawada Soomaaliya isticmaaleen illaa 20 diyaaradood.

Raadaarka Hawada Soomaaliya ayaa waxaa lagu arkay diyaarado fara badan oo ay leedahay Qatar Airways leedahay oo isticmaalay hawada Soomaaliya.

Khariirad muujineysa isticmaalka diyaarada Qatar Airways oo ay heshay Jowhar.com ayaa muujinaya in dhowr diyaaradood oo ka mid ah diyaaradaha Qatar Airways oo qaarkood ka yimid dalalka bariga iyo bartamaha Afrika ay dul mareen hawada Soomaaliya.

Mid ka mid ah duulimaadkii Qatar Airways oo ka soo duushay Jaziirada Zanzibar, kuna socotay magaalada Doxa ayaa dul maray Hawada Soomaaliya, taasoo ahaa duulimaadkii u horeeyay ee Qatar Airways isticmaasha Hawada Soomaaliya.

Dhowr diyaaradood oo ay leedahay Qatar Airways ayaa si toos ah u isticmaalay hawada Soomaaliya 24-kii saac ee la soo dhaafay, kuwaasoo dul maray magaalooyin ka tirsan Soomaaliya.

Lama oga in dowladda Soomaaliya iyo Qatar ay arrintan ka wada hadleen, isla markaana dowladda ay ogolaansho siisay, hase ahaatee maamulka Hawada Soomaaliya ayaa gacanta ugu jirin dowladda Soomaaliya, tan iyo wixii ka dambeeya bur burkii dalka, Hey’add lagu magacaabo ICAO ayaa gacanta ku heysa Hawada Soomaaliya, taasoo fadhigeeda yahay Nairobi.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment