Difaaca kooxda Man United ee Matteo Darmian oo ku aqal galay dalka Talyaaniga… (SAWIRRO)

Bulsha:- Matteo Darmian oo difaaca uga dheela kooxda kubadda cagta Manchester United ee dalka Ingiriiska ayaa ka mid noqday xiddigaha kubadda cagta ee guursaday, waxaana uu ku aqal galay dalkiisa hooyo ee Talyaaniga.

Darmian ayaa la aqal galay gabadha uu mudada dheer xiriirku kala dhexeeyey ee Francesca Cormanni, iyagoo xaflad Aroos oo heer sare ah ku dhigtay waddanka Talyaaniga.

Waxa ay labadan lammaane oo tan iyo dhallinyaronimadoodii wada socday ay isku guursadeen kaniisada Rescaldina, halkaasoo qoysaska labada dhinac iyo saaxiibadooduba ay goob joog ka ahaayeen.

Laacibkii hore qadka dhexe ee kooxda Man United Morgan Schneiderlin iyo difaaca reer Talayani oo ay ka wada tirsanaan jireen Darmain kooxda Torino ee Alessio Cerci ayaa ka mid ahaa dadkii caanka ahaa ee soo xaadiray xafladda aroos ee difaaca Man United taasoo ka dhacday meel ku dhow magaalada Milan ee dalka Talyaaniga.
SAWIRRO:









Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment