Dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, iyo Masar oo xiriirka u jaray dalka Qadar

Bulsha:- Dalalka Sacuudiga, Imaaraadka Carabta, Masar iyo Baxreyn ayaa ku dhawaaqay inay xiriirka diblomaasiyadeed u jareen dowladda Qadar.

Qadar ayaa lagu eedeeyay inay degenaansho la’aan ka wado wadamada gobolka, isla markaana ay taageereyso argagixisada.

Wakaaladda Wararka ee Sacuudiga ayaa sheegtay in dowladda Sacuudiga ay ka xiratay xadkeeda dowladda Qadar, taasoo saameyneyso dhamaan isu socodkii dhulka, Biyaha iyo hawadaba.

Sidoo kale Wakaaladda ayaa sheegtay in arrintan looga gol leeyahay in ammaanka qaranka ka ilaaliyaan halista argagixisada iyo xag-jirka.

Dowladda Masar ayaa iyana qaaday tallaabo la mid ah tan Sacuudiga, waxaana ay xustay in hawadeeda iyo dekedaheeda ka xiratay dhamaan gaadiidka cirka iyo badda.

Imaaraadka Carabta ayaa muddo 48 saacadood u qabatay in dalkooda ay uga baxaan diblomaasiyiinta Qadar.

Wakaaladda Wararka ee Imaaraadka Carabta oo soo xiganeysa saraakiil ayaa ku eedeeyay Qadar inay maalgeliso Argagixisada

Dalka Baxreyn ayaa isna ku biiray wadamadaas, waxaana ay sheegeen inay xiriirka u jarayo Qadar, sababo la xiriira qal qal gelinta ammaanka iyo degenaanshaha Baxreyn.

Wadamada Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa dhowaan dalkooda ka mamnuucay Telefishinka Al-Jazeera, kaddib markii wakaalada wararka ee Qadar ay baahisay war ah in Amiirka Qadar uu taageeray Iiraan, inkastoo markii dambe dowladda ay beenisay warkaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa xiriir dhow la leh dowladahan xiisada u dhaxeysa, iyadoo aan la ogeyn saameynta ay Soomaaliya ku yeelan doonto, Qadar waxay aheyd dalkii uu booqday Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment