Daawo Video: Koob lagu Maamuusayo AHN Saado Cali Warsame oo ka furmay MUQDISHO Iyo Ciyaartii ugu Horaysay

Bulsha:- Koobkan ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Ururka Ardayda Daraawiisheed ee Waxka barata Gobolka Banaadir ee Magaciisa Loosoo gaabiyo (DSU), Waxaana lagu maamuusay AHUN Fanaanad Qaran ahayd Xildhibaanad Saado Cali Warsame.


Koobkan ayaa waxaa ku tartami doono 70 kooxood oo ka kala dhisan Degmooyinka Gobolkani Banaadir, waxaana Munaasibada Furitaanka kasoo qayb galay Bahda Ciyaaraha, Aqoonyahano, Ganacsato iyo Kooxaha Tartanku u dhaxeeyo waxa uuna kafurmay Garoonka Beerta Nabadda ee Degmada Xamarweyne.

Gudoomiyaha Ururka Ardayda Waxka barata Gobolka Banaadir Ee Ka soojeeda Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn Cumar Shiekh Mubaarak waxa uu sheegay in u jeedka Koobkan uu yahay Isdhexgalka iyo Isbarashada Ardayda waxka barata Jaamacadaha kala duwan ee kuyaala Gobolka Banaadir iyo Xusuus iyo duco loosamaynayo ALLA HA U NAXARIISTE Xil. Saado Cali Warsame.









Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment