Daawo Muuqaal: Xaalada Muqdisho oo Isbedeshay, Hubka dhigsita & Ciidanka Xasilinta Wasiirka Amniga oo ka hadlay

Bulsha:-  Wasiirka Amniga Xukuumada Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa  Kormmer ku tagay qaybo badan oo ku yaala magaalada Muqdisho,  Wuxuuna ka hadlay Qorshaha Xasilinta Magaalada Muqdisho iyo Aruurinta Hubka sharci darada ah, Wuxuuna mar kale ku celiyey Go’aanadii kasoo baxay Xukuumada RW. Xasan Cali Khayre.


1. Askarigii Magaalada Muqdisho qori ku dhex wataa talaabo Sharci ayaa laga qaadaya waana la xeraya.

2. In Talaabo Sharci ah laga qaadayo cidii lagu arki dharka ama Dareeska Ciidanka Xooga Dalka oo aan Taliska ka tirsaneyn.

3. In Ciidan iyo Gaadiid aan Warqad Fasax wadan in aan lagu arki karin gudaha Magaalada Muqdisho.

4. Ciidamada Xasilinta ayaa sugaya amaanka Xarumaha Dowladda iyo amaanka guud ee Caasimada ciidan kale laguma arki karo Muqdisho.

5. In la Faarujiyo oo laga baxo guryaha ay leeyihiin Ciidamada Xooga Dalka ee ku yaalla Muqdisho 1 Julaayo ka dib Shacab laguma arki karo Guryaha Ciidamada Xooga.

6. In aan Cid loogu turin Howlgalada Xasilinta Caasimada iyo Hub ka dhigista cidii ka hor timaaddo talaabo Sharciga waafaqsan laga qaadayo.









Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment