Daawo:- Madaxweyne Donald Trump Oo Weydiiyay Riteish Deshmukh In Filimkiisa Bank Chor Priyanka Chopra Ku Jirto!

Bulsha:- Riteish Deshmukh waa atoore shactiro iyo mada daalo ka sameesan sidaa darteed wax walbo oo qosol iyo qaraaxo sameyn karo ayuu xidigaan sameenayaa si filimkiisa Bank Chor uu xayeysiin balaaran ugu sameeyo.

Dhawaan Riteish Deshmukh wuxuu sameeyay inuu kaartooyiinka caanka ah filimada Ra. One, Dangal, Tubelight iyo filimo kale inuu Photoshop ku sameeyay sawirkiisana ku badalay.

Weliba filimka Ra.One marka uu kaartadiisa isaga isku soo sawiray wuxuu filimkaan magaciisa ka dhigay No. One sidoo kalena uu dhac u geesan doono kooxda filimkaan qayb labaad ka sameeneyso.

SRK ayaa usoo jawaab celiyay sidoo kalena ku yiri “Adiga kaliyaa ayaa qayb labaad Ra. One ka sameyn kartid hadiiba aad dhac noo geesatay!”

WARAR DHEERAAD AH:
Hadaba Riteish Deshmukh kaftankiisa heerkii ugu sareesay ayuu gaarsiiyay kadib markii lasoo bandhigay Video la sameeyay oo kaftan ah isaga oo wareesanayo madaxweynaha dalka Mareekanka Donald Trump.
Madaxweyne Donaldo Trump ayaa dhankiisa weydiinayo Riteish in filimkiisa Bank Chor wax ka jileyso wuxuuna Riteish Deshmukh ku jawaabay “Mudane Priyanka ma awoodno dhaqaale ahaan inay filimkeena wax ka jisho”

Riteish Deshmukh ayaa Video-gaan u adeegsaday hab uu filimmiisa Bank Chor xayeysiis ugu sameeyo waxaana filimkaan la jilayaan Vivek Oberoi iyo Rhea Chakraborty waxaana la daawanaa 16-ka June 2017 asigoo filimkaan Reteish ku jilaayo tuug nacas ah oo Bank dhacaayo.

Fadlan hoos ka daawo Video-ka la sameeyay ee kaftanka iyo qaraaxada leh sida Retiesh u wareesanayo madaxweyna Trump iyo wixii kala qabsaday:












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment