Akhriso: Shuruudaha lagu xiray Xildhibaanada daneynaaya la kulanka Farmaajo (Arrin cusub)

Bulsha:- Madaxtooyada Somalia ayaa adkeysay kulamada ay Xildhibaanada baarlamaanka la qaatan Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo.

Agaasinka Guud ee Madaxtooyada ayaa soo saaray warqado lagu wargalinaayo Xildhibaanada booqashada ku gaara Xafiiska Madaxweynaha, si ay u buuxiyaan qodobo dhowr ah oo ku qoran warqadahaasi.

Xildhibaanada qaar ayaa maray shuruudaha lagula kulmaayo Madaxweynaha, kuwaa oo qaarkood la sheegay inaan weli lala kulansiin Madaxweynaha.

Shuruudaha la kulanka Madaxweynaha ayaa waxaa kamid ah:-

1-In Xildhibaan weliba ee doonaaya la kulanka Madaxweynaha uu is diiwaangaliyo.

2-In Xildhibaankii doonaaya la kulanka Madaxweynaha uu buuxiyo feel.

3-Inuu qoro warbixin kooban oo ka turjumeysa ujeedkiisa ku aadan la kulanka Madaxweynaha.

4-In feelka uu buuxinaayo uu ku qeexo halka lagala soo xiriiri karo haddii uu Madaxweynaha ka jawaabayo dalabka kulanka.

Xildhibaano dhowr ah oo buuxiyay foomamka ayaan weli lala xiriirin si ay ula kulmaan Madaxweynaha Somalia oo ay ka doonayaan qorshooyin gaara.

Sidoo kale, Xildhibaanada qaar ayaa dib uga laabtay Villa Somalia kadib markii ay ku qanci waayen shuruudaha lagu xiray.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa marba marka xigta sii adkaanaya shuruudaha lagu arki karo Madaxweynaha.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment