Yaab Badanaa Oo Qosol Badanaa: Maxaa Qabsaday Haweeney Isku Dayday Inay Ninkeeda Xabsiga Kaga Soo Saarto Boorso

Bulsha:- Haweeneey u dhalatay dalka Venezuela ayaa qaaday tallaabadii looga baahnaa si ay u gudato waajidkeeda ka saaran wiilka uu jaceylku kala dhexeeyo.

Haweeneydaan ayaa dulqaadku ka dhammaaday maadaama uu muddo dheer xirnaa wiilkii ay isjecel yihiin, waxayna ugu dambeyn dejisay kaarto ay uga soo saari karto xabsiga Puente Ayala Prison.

25 sanno jirtaan lagu magacaabo Antonieta Robles Souda ayaa qaadatay boorso weyn waxayna gudaha u gashay xabsiga Puente Ayala Prison ee magaalada Barcelona ee dalka Venezuela Isbuucii lasoo dhaafay. Ka dibna waxay boorsadaas kusoo xirtay saaxiibkeed.

Inta badan Antonieta Robles Souda waxay ku dhowaatay inuu qorsheheedu u hirgalo, laakiin mid ka mid ah ilaalada xabsiga ayaa ka shakiyey gabadhaan markii uu arkay iyadoo ku dhibtooneysa inay qaado boorsadaan. Baaritaan lagu sameeyey ka dibna waxaa la ogaaday inuu boorsada ku dhexjiro wiilka ay jeceshahay kaasoo 9 sanno iyo 8 bilood ku jiray xabsigaan waxaana wiilkaas lagu magacaabaa José Antonio Anzoátegui.
Antonieta Robles Souda ayaa hal gabar ah u dhashay José Antonio Anzoátegui, waxayna daaha ka qaaday inay martay ciqaabtii ugu darneyd mudadaas dheer ee uu ninkeedu ka maqnaa. Haatan gabadhaan ayaa maxkamad lasoo taagi doonaa maadaama ay isku dayday inay dambiile fakiso











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment