Xiddiga kooxda Chelsea ee Victor Moses oo ku aqal galay magaalada London… (SAWIRRO)

Bulsha:-  Ciyaaryahanka garabka uga ciyaara kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa la warinayaa inuu si deg deg ah uga soo kabsaday kaarkii casaanka ahaa ee loo taagay kulankii final-ka FA Cup-ka ee kooxdiisa koobka laga qaaday kaddib markii maalintii xigtay uu ku aqal galay magaalada London.

Victor Moses oo bisha December 27-sano jirsan doona ayaa xilli ciyaareedkiisii ugu fiicnaa abid qaatay xilli ciyaareedkii la soo dhaafay kaddib markii uu boos joogto ah ka helay kooxdiisa Chelsea, iyadoo markaas ka hor amaah lagu fasaxay saddex xilli ciyaareed ee hore.

Xiddiga reer Nigeria ayaa kulankii ugu dambeeyey ee kooxdiisa laga qaaday FA Cup waxaa loo taagay kaarka cas kaddib markii uu kaarkiisa labaad ee digniinta ah ku muteystay istuurid kulankii Arsenal ay hanatay koobka faca wayn ee FA Cup.

Moses ayaa ka soo kabsaday arrintaas isagoo kaarkii casaanka ahaa ee uu qaatay isku ilowsiiyey inuu magaalada London kula aqalay galay lammaantiisii mudada dheer maalin kaddib kaarkii casaanka ahaa ee uu qaatay, waxaana ay ku beegnayd shalay markii xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay uu ku guursaday lamaantiisa.

Victor Moses ayaa gabadhan uu la aqal galay waxa ay horay ugu haystay labo carruur ah oo kala ah wiil shan sano jir ah oo la yiraahdo Brentley iyo gabar labo jir ah oo la yiraahdo Nyah.

Axaddii la soo dhaafay ayey ahayd markii Moses iyo gabadha uu haatan la aqal galay iyo labadooda carruurta ah ay ku sugnaayeen garoonka Stamford Bridge iyagoo u dabaal-degayay hanashada horyaalka Premier League ee kooxda Chelsea.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment