War Cusub: Prabhas Filimkiisa Xiga Saaho Waxaa Atariisho Kanoqon Doonto Anushka Shetty (Devasena)

Bulsha:- Wali waxaa tiyaatarada saaran suldaamadaii cajiibka badneyd ee Baahubli darteeda xawaaraha sare ku gaaray Anushka Shetty (Devasena) filimkeeda Baahubli2.

Prabhas iyo Anushka hadee shaashada wadaagan ugu yaraan Blockbuster ka filo, waxay noqdeen xidigo guusha u saaxiib ah.

marnaba ,lama ilaawi doono Anushka wacdarahee kudhigtay filimkaan Baahubali2, waxaa jireen warar hore oo markii dambe daadka qaaday, wararkaaso sheegayen in Prabhas filimkiisa xiga ee Saaho ay atariisho ka noqon doonto Katrina Kaif balse ma rumowin warkaas.

hadaba war kale ayaa soobaxay hadana, kaaso sheegaya in filimsameyasha filimkaan Saaho ay ubandhigeen mashruucoda Anushka Shetty si ay atariisho kaga noqoto filimkaan.

waxaa lashegay Anushka inee horey ka aqbshay jilista filimkaan sida Bollywoodlife ay baaris kusoo sameyeen warkaan,
balse waxwalbo waxay cadaanayan marka Prabhas fasaxiisa nasashada uu kasoo laabto maadama uu aaday dalka Marekanka si uu halkaas ugu soo nasto in mudo ah.

soo laabashada Prabhas kadib waxaa si toos ah loogu dhawaaqi doona xidiga guud ee filimkaan jili doonan, sido kalena horey ayaa duubis looga bilaawi doona.

aqriste Prabhas iyo Anushka Shetty kaliya Baahubali ma aysan wada sameynin xisaabta kudarso ee horey waxay u sameyeen aflaamta hirgashay Billa sanadkii 2009 oo markii ugu horeysay ay shaashada ku midoweyn.

sido kalena sanadkii 2013 waxay la yimaadeyn filimkii Blockbusterka weyn noqday ee Mirchi, haatana guud ahaan taagerayasha waxay rajeynayaan inee markale shaashada wadaagan xidigaan.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment