Sheeko Jaceyl: Alla Qalbiga Ayuu Iga Xaday Part 2(Qeybtii 2aad) waa qiso xanuun badan

Bulsha:- Waagii ayaa inoo baryay, habeenkii dhan ma aanan hurdin waxaa maskaxdayda ka guuxayay wanaaga ninka.

waxaan damcay in aan saaxiibtayda (Ahlaam) in aan uga sheekeeyo xalay wixii iqabsaday, saaxiibtayda qolkeeda  ayaan ugu tagay waan sugi waayay ilaa inta aan iska arkeeno ama ay ka soo kacdo , aniga ayaa aaday, waxaan utagay iyadoo hurdada meel macaan ah umareeso, kakac  hurdada anigaba xalay ma hurdin ayaan ku dhahay, waxay idhahday soo fadhiiso xabiibti miyaad xanuunsatay? Maya macaanto laakiin ninkii xalay ayaan soo xasuustay,  dhankasta markii aan isku gadiyo hurdo la’aan ayaa iqabatay.



cabaar markii aan qisada uwado hadane farakacayaar ayaan sameeneenay sida in aan barkimaha isku tuur tuurno, garabka la iska dharbaaxo iyo in cajirada la iska qarjuufto , waxaa iga dhacay Hand-Phone (HP), sixun ayuu dhulka ugu dhacay, shaashada teleefoonka ayaa madow noqotay, wax aad arkeeso malahan, waa lagaa soo wici karaa balse ma arki kartid ruuxa ku soo wacaayo, nasiib xumada iqabsatay ayaa aheed contacts ka dhan wuxu iigu jiray phone memory ga ma aanan ku seve gareen jirin SIM CAR.




Aniga oo yaaban kana naxsan cilada ku timiday telefonka ayaa qof iga soo wacay



laakiin ma arkayo number kiisa, wuxuu igu yiri waa inankii xallay ee kawaran xaalada? Aniga ma hubsan karo in uu isaga yahay, maxaa yeelay maalinkasta qof ayaa iska kaa soo wacanaayo, waan kayara shakiyay inkastoo isaga ahaa hadane waxaan is dhahay yuusan hadal kaatagin amuu ninkale kuugu noqdaa, waxaan ku iri caawa igu soo celi teleefonka hada school baan aadayaa, school ma aadin waxaan aaday xarunta Nokia (Nokia service center).


Ciladii ku dhacday ayaa la iiga war bixiyay teleefoonka oo ah in shaashada labadlo mida kale oo aan ka naxay ayaa aheed all contacts ka way lumayaan, aad baan uga naxay waxa iqabsaday, shirkada ayaa ii soo jeedisay in aan sugta teleefonka 3 maalin ilaa 5 maalin.

Inta aan suganayay hagaajinta teleefonka dadka aan E-mail ahaan isku naqaano cilada qabsatay waan u sheegi jiray, laakiin ninkii maskaxda iga qabsaday sideen ugu sheegaaa waa su’aasha ugu badan maskaxdayda ku soo laalaabato.

Habeen ayaan ku dhahay  saaxiibteyda (Ahlaam) ina keen aan soo luga baxsano , igama diidin way I raacday laakiin aniga qalbiga ayaan waxaan iska leeyahay amaad wadada ku aragtiin sidii kal hore. Waan soo daalnay waxna lama soo kulmin, talow ma ogyahay isaga in aan raadineeno.

Xaafada markii aan ku soo laabanay ayaa noola sheegay in uu inoo yimiday ninkii lagu dhahay weey baxeen Sahra iyo Ahlaam.

Aniga waxaan isku canaantay maxaa guriga uga tagtay hadii aad joogi laheed waad is arki laheedeen, shalaay ma fiicno waa xaaraam,  salaad cisho ayaan dukaday, kadib waxaan utagay naagta shaqaalaha oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Ethiopia (cadowga Somaliyeed)  waxaan kudhahay hadii uu yimaado yarkii caawa teleefonkiisa ka qaad una sheeg cilida ku dhacday teleefoonkeyga.

Ahlaam ayaa ii soo jeedisay marmarka qaar in aan SIM CARD kayga galiyo teleefoonkeeda laga yaabee xiliyadaas wax ku soo waco in aad hesho ama kuu reeba fariin ( SMS/Message/text). Waan arkay SMS yo badan laakiin muhiimad ma iilahan, ninka kama haayo wax sms SMS ama cod fariin ah iima reebin.



Waxaa lagaaray xiligii ay ibala misay shirkada Nokia, Alhamdulillah teleefoonka waa la isameeyay laakiin dad ma iigu jiro (no contacts list.)

Maxaa xigi doono mar hadii la iisameeyay teleefoonkii ma is heli doonoo ninka maskaxda iga qabsaday? Ama  wuxuu iiqaadan doonaa qof si kale ah………….

La soco Qeebta 3aad. Waan hubaa waxbadan ayaa kaa yaabin doono. Axad kasta.

W/Q: Daalac Daahir Shoot










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment