R/Wasaaraha oo la hadlay Ciidamo ka tirsan NISA oo ka howl galaya sugida Amniga Muqdisho

Bulsha:- Ra’iisul Wasaaraha  Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo weheliyo Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) iyo Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), ayaa kula hadlay Ciidamo

iyo saraakiil ka tirsan Hay’adda NISA xaruntii hore ee Xisbiga kuwaas oo ka howlgeli doona sugidda amniga Muqdisho.

Mr Xasan Cali Kheyre ayaa tilmaamay muhiimadda ay ciidamadani u leeyihiin Amniga Caasimadda, isagoo kula dar-daarmay in gacan buuxda lagu qabto cid walba oo dhibaato ku ah amniga iyo kala danbeynta. Waxana uu ka dalbaday qeybaha kala duwan ee bulshada in ay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka, oo ay garabsiiyaan ciidamada si looga guuleysto cadowga had iyo jeer dhibaatooyinka u geysanaya Shacabka Soomaaliyeed.

“Maanta maalin ay Soomaaliya idiinka baahi badan tahay ma jirto, sugida amniga iyo xaqiijinta dawladnimadda Soomaaliya waa mid ku xiran tayadiina ciidan iyo hadba sidaad isu xilqaantaa,” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha oo intaas ku daray.

“Qaranimadu maahan wax laysa siiyo, aduunka cid nasiin karta ma jirto anagu inaan dadaal iyo juhdi ku bixino mooyee, waana taas mida aan idin kugu imid maanta oo weliba hubo ka badan in aad mudan tihiin”ayuu yiri asagoo dareensiinayay ciidanka hawsha baaxada weyn oo hortaala.
Laamaha Ammaanka dowladda ayaa lagu wadaa inay bilaabaan howl gallo lagu sugayo ammaanka, xilli ay nagu soo fool leedahay bisha bareysan ee Ramadaan, oo Al-Shabaab looga bartay inay kordhiyaan weerarada.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment