Macalinkii hore ee Xulka Qaranka Soomaaliya oo xalay geeriyooday

Bulsha:- Allaha u naxariistee waxaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday Tababarihii hore ee Xulka Qaranka Soomaaliya Macalin Xuseen Cali Cabdulle oo loo yaqaanay (Coonka).


Marxuumka ayaa muddooyinkii u dambeeyay xanuunsanayay, waxaana ugu dambeyn xalay saqdii dhexe uu ku geeriyooday gurigiisa oo ku yaalla degmada Shibis


Allaha u naxariistee Xuseen Coonka ayaa dhashay sanadkii 1946, waxaa uu u soo ciyaaray kooxo kala duwan oo ka mid ahaa naadiyadii dalka ka jiray ka hor bur burkii dowladdii Dhexe.

Xuseen Coonka ayaa ka mid ahaa laacibiintii Soomaaliya, waxaa uu u soo ciyaaray xulka Qaranka Soomaaliya, isagoo kulamo ciyaareed kala hortagay dalal ay ka mid ahaayeen Sacuudi Carabiya, Zambia, Itoobiye, Yemen, Kenya iyo Tanzania.

Waxaa uu Tababare u soo noqday Kooxaha kubadda cagta ee heerka koowaad, sida Kooxda Elman oo koobab u qaaday.
Allaha u naxariistee Macalin Coonka ayaa lagu xusuusan doonaa hal adeeg, dhiira gelin joogto ah u dabacsanaan ciyaartoyda, iyo inuu ahaa nin samo jecel labadii ciyaaryahan ee iksu dhacana uu heshiisiin jiray.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment