Macalimad Sabab U Noqotay Gabar Yar Oo Ay Macalimad U Aheyd Inay Milyineer Noqoto!!

Bulsha:-  Macalimad wax ka dhigto mid ka mid ah  iskuulada ku yaal dalka USA ayaa gabar 14 jir ah u diiday inay aado Musqusha.

gabadhii yareyd ayaa ku dhibtootay Xaajada waxayna ku gudan jirto qol keyd ah oo u dhawaa sida ay sheegtay Majalada The Huffington Post.

Lama fileyn inay arrinta heerkaan gaari kartay, ardayadii ayaana  maxkamad u gudbisay dacwad ka dhan ah macalimadaan  oo ku nooleyd magaalada San Diego ee Gobolka California, waxayna magdhaw ahaan gabadhii u dalbatay 25 Kun oo Dollar, Balse xeer beegtada ayaa sheegtay inay lagama maarmaan tahay inay hesho lacag gaareyso ilaa 1.25 Malyan Oo Dollar.

Gabadhaan ayaa ka dhawaajisay inay la kulan tahay bahdil isla markaasna ay ku jees jeeseen saaxiibadee sidoo kalana farriin xun xun loogu soo diray taleefoonkeeda.
Qareenkeeda ayaa sheegay in macalimada ay hadda ka dib adeegsiga qaacidadaan ay iska dhaaftay sidoo kalana waxayna arrintaan keentay in Iskuulka laga ceeriyo.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment