Layaab: Dhaqaatiir U Dhalatay Dalka Brazil Ayaa Mataano Ka Dhaliyey Haweeney Horey U Geeriyootay

Bulsha:- Dhaqaatiirta u dhalatay dalka Brazil ayaa ku guuleystay inay dhaliyaan mataano bad qabo kuwaasoo laga soo saaray haweeney maskax ahaan geeriyootay afar bilood kahor.

Haweeneydaan horey u geeriyootay oo lagu magacaabo Franklin Da Silva ayaa laheyd uur afar bilood ah, balse dhaqaatiirta reer Brazil ayaa haweeneydaan oo uu wadnaheeda shaqeynayey xilligaas ku rakibay aalad sii suuragelinaysa in wadnaha uusan istaagin.

Sida lagu xusay Majalada Folha de S.Paulo oo uu fadhigeeda yahay magaalada S. Paulo ee dalka Brazil ayaa soo tabinaysa in dhaqaatiirta isbitaalka Barana ay sameyn doonaan wax waliba oo awoodooda ah si ay u ilaaliyaan koriinada caruurta ay dhashay marwadii da’da yar ku geeriyootay ee Franklyn.

Ugu damebyn waxaa xusid mudan in caruurtaan laga soo saaray caloosha hooyadooda maskax ahaanta geeriyootay iyaga oo ku jira kaliya 7 bilood.. arintaas ayaana sababi karta cabsi xoogan oo ku aadan nolosha mataanaha.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment