Jaceylka Aan U Qabo Ayaan La Xanuunsanaya isagana Wuu igu Gacan Seeray, Markii Loo Sheegay…

Bulsha:- Waxa ay Warqad Talo Celin ah Naga Soo Gaartay Gabar Magaceeda Ku Sheegtay Sagal C/raxmaan oo Ku nool Magaalada Muqdisho Waxa ayna Qoraalkeeda Ku Bilowday Sida Tan:-

Marka Hore Waan idin Salaamay Bahda Shabakadda HEEGAN24.NET Salaan Kadib Waxaan Maanta ahay Talodoon La Ciir Ciiraya Arimo is Biirsaday ee Hoos aan Idinku Bayaaniyo Sida Wax u Jiraan.

Waxaan in Mudda ah-ba Jaceyl Wadaag aheyn Wiil Kamid ah Wiilasha Igula Dhaqan Magaalada Muqdisho Kasoo Jaceylkiisu uu Soo Jiitamayay 90 Casho ( Sedex Bilood), Waxaase Maalmihii Lasoo Dhaafay uu igu Gacan Seyray In Jaceylkeena uu Sii Socdo isaga oo Sabab Uga Dhigayo Wax aniga iyo asaga Na Dhex Maray oo uu Magaalada Si Xan ah ugu Maqlay anigana Waxaan ahay Qof iska Dhalo Cadeey ah Waxbo Ma Qarin Karee Dad aan si Kaftan ah ugu Sheegay ayaa Warkaa Usii sarifay isaga.

Warkaa ayaa Waxa uu ahaa Lacago Dhowr Jeer uu Igu Caawiyay ayaa Dad waxa ay Ku yiraahdeen Gabadhii Saaxiibtaa aheyd Waxa ay Dhaheysa Baacaas Waan iska dar daraa ereygaas ayuu Jaceykeyga eersanaya ee sideen wax yeelaa .7


Sagal salaanta aad hawada noosoo marisay mid lamid ah ayaan anagana kusoo direynaa, teeda Kale Ninkaan Saaxiibkaa ah wixi idin dhex maray ma aheyn adiga in aadka aad ugu sheekeyso siraha qaar waa la qariya, hadda waxa ku heysto fiiri lacag ayuu kusiiyay dad ayaad u Sheegatay inuu saaxiibkaa Ku caawiyay, laakin waxa warkii la gaarsiisay iyada oo Loo warxumeynayo laguna Leeyahay Saaxiibtaa waxa Ay Ku Dhaheysay Baacaas ayaan Kasoo dar daray Lacagta, Ogow Godkii aad Adigu Qodotay ayaad Maanta Ku Dhex Dhacday Cid Ku Caawisana Ma Heysatid ilaa Alaha Awooda Lihi Albaab Kale Kuu Fura Maahe.

laakin Aniga Waxaan Ku Leeyahay Saaxibkaa Marka Hore Raali gali una Sheeg Sida aad wax u tiri iyo Sida Loo sarifay una Raaci in Mar Danbe War Nuucaan ah uusan Kusoo Laaban Doonin.

Waxaan rajeyneynaa in aqristayaasha Nolasha.com iyana waxii ay awoodaan oo talo ah ay ku raacsaniin doonaan qeybra hoose , mahadsanid.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment