Guur doon Sideed Ku Xulan kartaa Gayaankaaga

Bulsha:- Guurka iyo gayaan raadintu waa howl culus oo u baahan xilkasnimo iyo isbarasho dhamaystiran, waxaa in badan guurdoonku la kulmaan xaalado muujinaya in dhinaca  isbarashada dhaliilo ka jiraan, islamarkaasna abuuri kara khilaaf xoog leh oo keeni kara burbur qoys, hadaba si aysan taasi oo kale udhicin, qof walbana uu helo xog dhamaystiran, waxaa laga maarmaan ah in la isweydiiyo su’aalahan:

1.  Waa maxay ujeedaada ku aadan guurka, maxaadse rajaynaysaa mustaqbalka inaad ku sugnaato?

Waa arin muhiim u ah in la isweydiiyo, maxaa yeelay ujeedada guurka aad ka leedahay waxay noqon kartaa inaad hesho lacag, caruur, raaxo iwm. Hadaba hadii ay iskhilaafto ujeedooyinka labada isdoonaya, waxaa u fiican inaysan isdhibin, oo aysan kharashna gelin, beena isu sheegin.

Hadii aad isguursataan maxaad ka rajaynaysaa reerkaas, maxaad ka dheefaysaa? Arintaas waxay muujinaysaa qaabka aad u fakarayso iyo ujeeddooyinka waaweyn ee aad higsanayso, hadaba hadii aad isku khilaaftaan ujeeddada aad ka leedihiin guurka, oo midkiin doonayo dhaqaale, dhoof iyo ujeeddooyin  kumeel gaar ah, waxaa hubaal ah in qoyskaas burbur halis u yahay.


2.  Maxaad doonaysaa mustaqbalka inaan noqoto? Xagee doonaysaa inaad degto, side doonaysaa inaad u noolaato? Maxaadse damacsan tahay mustaqbalka dhaw inaan gaarto?

Tusaale ahaan hadii aad doonayso adigu inaad dalkaaga degto waxna ku barato, caruurna dalka ku dhasho, laakiin lamaanahaagu doonayo inaad qaxooti ku ahaataan dal shisheeye caruurna idin kugu dhalato, waxaad ku kala fakaraysaan labo nolol oo aad u kala fog, marka sidee reer ay wada dhiseen labadaas qof u noqon karaa mid waara, kana badbaada saamaynta weyn ee uu leeyahay qodobkaan.

Waa arin maalin kasta ku dhacda dhalinta guurdoonka ah, hadii aan soo bandhigo qiso kooban oo ku dhacday dhalinyaro isku baratay jaamicada oo muddo afarsano ka badan uu ka dhexeeyey xiriir doonis guur, kuna qancay inay wada dhisaan reer markii la gaaro muddo 2009-ka, hadaba markii muddadii la gaaray ayaa waxaa soo baxday in fikirkooda nololeed uu aad ukala fogaa, arinta la isku khilaafay waxay ahayd meesha lagu noolaanayo reerkana lagu dhisayo, gabadhu waxay aaminsanayd in Somaliya aan maantay reer lagu dhisi Karin, caruurna lagu dhali Karin, meesha wiilku uu aad uga soo horjeeday nolosha qurbaha, kuna adkaystay in nolol aan waddanka ahayn uusan diyaar u ahayn, hadaba fikirkan uu midkasta ku qanacsanaa, ma ahayn mid la isweydiiyey sannadihii jaamicada iyo jacaylkii indhaha la’aa ee sannadaha jirsaday, hadaba qisadan waxay muujinaysaa farqiga u dhexeeya fikirka iyo nolosha labada qof ee doonayo dhismaha qoys isfahansan.


3.  maxaad ka fahansan tahay guurka?

Ma waxaad u aragtaa guurku inuu yahay in lagu raaxaysto, mise inuu yahay in caruur ladhalo, mise in la isweydaarsado shahwada?

Gabar xaas ahayd muddo labo sano ah, oo nagu soo booqatay xarunta Sacaada ee latalinta qoyska, ayaa tiri “Waxaa kadis igu noqotay ninkayga markii aan ogaaday inuu guurka u fahansan yahay galmo kaliya, ee uusan qadirinayn wax kale” layaab ma leh, maxaa yeelay dad badan ayaa sidaas u heysta, ee maxaad u weydiin weyday adigu guur ka hor?

waa arin qabsata qoysas badan oo  isku khilaafsan fahanka ay ka haystaan guurka, hadaba waxaa loo baahan yahay inaan mideyno fahanka aan ka qabno guurka, fahankaaga guurka iyo fikirkaaga nolosho waa mid muhiim u ah lamaanaha aad doonayso inaad wadaagtaan nolosha khaaska ah, waana inaad xisaabtantaa ka hor inta aadan khasaarin, bal kawaran hadii uu u heysto guurka in caruur la dhalo kaliya, side xaaladiisu noqonaysaa hadii uu ilmo dhali waayo, hadaba akhristow dhalmadu waa nicmo ilaahay bixiyo, ee ma ahan in nin iyo naag kasta ay iska dhalayaan hadii la isu xareeyo.

Fahanka khaldan ee dhalinta guurdoonka waxaa sababi kara, inay barbaarinta kusoo qaateen dhacdooyin khalad ah, ama saxiibadood ay ugu sheekeeyeen, isla markaasna aan laga sixin, maadaama arimahan aysan ahayn arimo ay ka sheekeystaan mujtamaca Soomaaliyeed.


4.  waa maxay tilmaamaha aad jeceshahay inaad ku aragto lamaanahaaga?

Waa wax qurux badan inuu qofku ka sheekeeyo dareenkiisa ku aadan nooca qof uu doonayo inuu la wadaago nolosha, waana arin muhiim ah inaad koobto sifooyinka khaaska uu layahay lamaanaha aad raadinayso, waxaa in badan noo caddayn nooca qof iyo sifooyinka uu leeyahay lammaanaha aad doonaysa inaad la wadaagto nolosha.

Waxaan aad ula yaabaa gabaygii Awyuusuf Barre ee Guur aan ka la’aado, uu ku sheegayay dookhiisa ku aadan lamaanaha uu jeclaa in nolol la wadaago, inkastoo uusan taaban dhinaca raga, waxaa uu muujinayaa inay u caddayd waqtigaas dookha ugu fiican iyo kan ugu liitay, waxaana ka mid ahaa:

Guduud looma raacoo haween gobolba waa cayne
Bidhaan gabi ka laa laada waa lagu gulaalmaaye
Isugaadhay gabadhaa tidhaa meel uun baa go’ane
Gaboodleeyda Gaashadu ku taal labada goonyoodba
ee maradu gaygayman tahay guur aan ka la’aado

Hadaba gabayga Awyuusuf, wuxuu ka hadlay gabadhu waa inay nadiif tahay, aysan lahayn gaasho, maradeeduna nadiif tahay.


Mid ka mid ah guurdoonka ayaa la weydiiyey dookhiisa, markaas ayuu yiri “waa inay aad uqurux badan tahay, dherer meel dhexe, kub waaweyn tahay, san dheer tahay, xaafidul quraan tahay, dabeecad fiican tahay, indho waaweyn tahay, markaad aragto ay ku farax geliso, naxariis badan, run badan xishood badan tahay” hadaba waxaa lagu yiri taas adduunka ma joogto ee aakhiro u doono”

5.  ma jeceshahay caruurta inaan dhalno?

Hadii uusan qof ka mid ah doonayn inuu caruur dhalo, ama aysan ula muuqan muhiim in caruur la dhalo, oo ay saameyn ku yeelatay fikradaha gaalo raacnimada ah ee la dagaalanka taranka dunida islaamka, amase aysan isku fikir ka ahayn rabitaanka caruurta, waxaa kugu adkaanaysa inaad nolol fiican ku noolaato hadii aadan ka hortegin.

Caruurtu waa hadafka ugu muhiimsan ee laga leeyahay guurka, hadii gabadhu aysan danaynayn inay ilmo dhasho waa sida reer galbeedka ka jirtee, waxaa khalad ka jiraa ujeeddooyinka qofkaas uu ka leeyahay nolosha qoyska oo dhan.

6.  ma qabtaa wax cudur ah?

Waa su’aal muhiim u ah labada dhinac, si looga baxo shakiyada, waxaana fiican in baaritaan lagu sameeyo labada qof, hadii ay dalbadaan, maanta waxaa soo badanaya cudurada galmada ku faafa (Sexual transmitted diseases STD) , oo khatar weyn ku haya aadanaha oo dhan, kuwaas oo u baahan in aad looga taxadaro, lana isweydiiyo in cudur jiro, isla markaasna lagu qanco in la iswada baaro.

7.  ma leedahay saaxiibo, waa kuwama ?

Saaxiibada lamaanuhu waa muraayada ugu muuqaalka fiican ee uu leeyahay, isla markaasna laga qiyaasi karo xiriirkiisa, lagana heli karo warbixintiisa oo dhamaystiran, waxaa kale oo muhiim ah in la ogaado inuu yahay qofkani mid aan lahayn saaxiibo, taas oo muujinaysa inuu yahay qof xirxiran( introverted) oo aan dabeecad ahaan qaabili karin in lala noolaado, xiriir wanaaga qofka waa mid laga dheehanayo dabeecada iyo dhaqanka, sidoo kale saaxiibka fiicani waa kuwa is toosiya, ma sina qof khaladka laga saxo, iyo qof aan cidna la dhaqmin, suurtogal ma ahan in qof saaxiib aan lahayn aad guri kula noolaato, taas oo ah bakhtiyaa nasiib muujinaya dhibaato soo socoto.

8.  waa sidee xiriirka waalidkaa iyo walaalahaa  iyo qaraabadaada ?

Xiriirka qofku uu la leeyahay waalidkii waa mid laga cabiri karo wanaagiisa, iyo diintiisa labadaba, sidoo kale waxaa muhiim ah in la ogaado nooca xiriir ee waalidka uu la leeyahay lamaanuhu, maxaa yeelay guurka waxaa ka dhex dhalanaya xiriir reeraha ay ka wada dhasheen lamaanuhu, waxaana ka muuqanaya barako gaar ah qofkii xiriir fiican lalahaa waalidkiis, qof aan xiriir fiican la lahayn waalidkiis, way adag tahay inaad yeelataan xiriir fiican, maxaa wacay caqliga uu ku wanaajin waayay xiriirka waalidkiis, kuma hagaajinayo xiriir ku yimid meher.

9.  maxaad ka heshaa oo samaysaa waqtiyada firaaqada, ma leedahay wax balwad ah ?

waxyaalaha uu doorbido qofku waxay ka turjumaysaa ujeedadiisa gaar ahaaneed ee noloshiisa, sidaa darteed waxaa muhiim kuu ah inaad ogaato hiwaayadaha qofkaan aad la sheekeysanayso, waxaa kale oo loo baahan yahay inaad ogaato waqtiyada firaaqada waxa uu qabto, taas oo muujinayso dadnimada qofka, qeexaysana nooca nololeed uu nool yahay.

Waxaa la yaab ahayd sey aan ogayn in xaaskiisu ay cabto badeecada(shiishada) taas oo maalin usoo galay iyadoo naago badan la cabaysa, waxaa kale oo dhacda inaysan ogayn afadu in seygeedu qayilo maalinta khamiista ah, arimahaas hadii aan la isweydiin, waxay sababi karaan furiin aan lagu tashan, iyo burbur maalin kasta ku yimaada qoyskeena.

10.      waa maxay shaqadaadu iyo aqoontaadu iyo dhaqaalahaagu ?

shaqada qofku uu hayo iyo aqoontiisu waa arin saamaynaysa go’aan gaarka labada isdoonaysa, waana su’aasha ugu horeysa ee maanta la isweydiiyo, shaqada qofka waxaa laga qiyaasi karaa dhaqaalihiisa, aqoontiisa, inkastoo aan inbadan run la isaga sheegin dhaqaalaha iyo aqoonta, hadana waa arin aasaas u ah nolosha guud ahaan, waxaa kale oo muhiim ah shaqada, si loo ogaado qofkani meesha uu ka kasbo dhaqaalaha uu ku noolaanayo reerku, hadii ay gabadhu guursato nin ka shaqeeyo meel xaaraan ah, waxaa hubaal ah inaan meeshaas barako iyo kheyr ka jirin,qof ALLAH ka cabsanayana ma cunayo xoolo laga shaqeeyey boob iyo dhac.

Guntii iyo gabagabdii, waxaa muhiim ah inaan aad uga fakarno su’aalahan, mana filayo in tobonkaani yihiin inta su’aalo loo baahan yahay, laakiin waxaan is leeyahay waa kuwa ugu muhiimsan.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment