DARAASAD: Cilmi Baaris Daah Furtay In Raggu Aay Cimri Dherer Ka Qaadaan Guursiga Xaasaska Badan..

Bulsha:-  Daraasad ay sameeyeen khubaro ka tirsan jaamacadda Sheffield ee dalka Ingiriiska ayaa daahfurtay in guurka dumarka badani ragga u leeyahay faa’idooyin caafimaad oo badan oo ay ka mid tahay cimri dherer.

Cilmibaadhistan oo muddo la waday waxa ay natiijadan marag uga dhigtay, caddaymo ka soo baxay tirokoob ay hay’adda caafimaadka adduunku ku samaysay dalal badan oo ah kuwa sharci ahaan laga ogolyahay in ninku dhowr xaas yeesho, waxaana tiro koobkan hay’adda ka soo baxay in ninka qaba in ka badan hal xaas uu boqolkiiba 12 ka cimri dheer yahay ninka xaaska keliya leh.

Cilmibaadhistan oo lagu faafiyey majaladda New Scientist waxa ay caddaysay in ninka xasaska badan lihi uu mar walba helo daryeel ka badan ka uu helo ninka xaaska keliya lihi, taasina ay ka mid tahay sababaha uu uga caafimaad fiican yahay kan xaaska keliya leh.

Lance Workman oo ah khabiir ku takhasusay cilmunafsiga ayaa mar uu majaladdan uga waramayey natiijada daraasaddan waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Haddii uu ninku qabo in ka badan hal xaas waxa uu helaa daryeel iyo xannaanayn aad u sarreeya” Khabiirkan oo ka tirsan jaamacaddda Bath Saba oo ku taalla dalka Ingiriiska isaga oo sii wada sharraxa daraasaddan waxa uu intaas ku sii daray in marka horeba guurku uu ragga u yahay caafimaad, ninka xaaska lihina mar walba ka caafimaad badan yahay doobka,

waxa kale oo uu sheegay in labada xaas iyo ka badani ay sii wanaajiyaan caafimaadka ninka, “Waxa cilmi ahaan run ah in ninka xaaska keliya lihi ka caafimad badan yahay kana cimri dheeryahay ka bilaa xaaska ah” ayaana ka mid ahaa hadallada Lance Workman.

Shareecada Islaamka ayaa ninka u bannaysay Afar xaas, laakiin waxa jira dhaqanno iyo diimo badan oo aaminsan in ninku aanu guursan Karin wax ka badan hal xaas.

FG: ALLAH Ayaa haayo cimriga qofka ee marnaba lama dhihi karo waad sii noolaan kartaa hadii aad badsato guursiga xaasaska badan





source:- Kubciye











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment