6 Dhibaato Oo Laga Dhaxlo SIIGADA Iyo Sababta Ay Dumarka Uga Cararaan Ragga Caadeystay Dhaqankan!! IS-JIR XAAJI!!

Bulsha:-  Maqaalkan waa mid ka hadlayo caafimaadka,waxuuna qusseeyaa cid walbo oo ku howllan waxa uu diiradda saarayo oo ah” SIIGADA” ama” GACAN KU RAAXEYSIGA”.

Kahor inta aanan abaarin dulucda mowdduucan,waxaa muhiim ah in laga jawaabo su’aasha ah: Waa Maxay SIIGO ama SIIGEYSI”?.



SIIGEYSASHADU:” masturbation”waa habka uu qofka gacantiisa ugu raaxeysto, isagoo la ciyaaraya ama ku falaadaya xubintiisa taranka.

Caafimaad ahaan ma ahan wax wanaagsan SIIGADU, sida ay mar walbo sheegaan Dhakhaatiirta.

Sidookale,Diinta Islaamka ma oggola wayna reebtay inuu qofka gacantiisa issugu raaxeeyo isagoo la-fal-galaya xubintiisa taranka” MALAB YAROWGA”.Waana dambi weyn, sida ay Culimmaduba  sheegtay.

Waa hubaal in dad u badan dhallin yaro rag ah ay dabeecad ka dhigteen SIIGADA, iyagoo arrintan u arka xal fudud oo ay kaga kaaf-toomayaan inay la fal-galaan qof kale.

Sidookale waa xaqiiqo inuu qofka u riyaaqayo gacan ku raaxeysiga,balse Alcarabiya.com waxay idiinku guubaabineysaa inaad ka fikirtaan mustaqbalkiina dambe oo aydaan gacamihiina ku kasbanin CUDURRO hadda idinka fog.

MAXAA DHIBAATO AH OO LAGA DHEXLAA SIIGADA:

Su’aal kama taagno in GACAN KU RAAXEYSIGA  uu qofka ku reebo dhibaatooyin soo deg-degga ama kuwoo soo raagga oo xilli dambe soo muuqda.

1-BIYO-BAX DEG-DEG AH:-Waxaa dhacda in qofka xirafadda ka dhigtay SIIGADA uu si fudud u biyo-baxo xilliga GALMADA,waana dhibaato ay haddaba ka cabanayaan dad badan.

Inaad si deg-deg ah u biyo-baxdo adigoo NIN ah waxay kugu direysaa XAASKAAGA, waayo awood uma yeelaneysid inaad sariirta ku qanciso,waxeyna taasi keeni kartaa FURRIIN.

2-XANUUNNO BADAN: SIIGADA badan waxay sababtaa dhibaatooyin caafimaad,gaar ahaan waxay keentaa DHABAR XANUUN.Waxaa dhici karta inay jilcaan Murqaha kaallinta ka qaata shaqada SARRIIRTA,taasoo sababi karta inaad weyso hamiga ragnimo iyo dareenka dabeeciga ah.

3- HILMAAN IYO NIYAD-JAB:Qofka waqti ku raagga SIIGEYSIGA,waxaa la soo gudboonaada xasuus yari iyo daciifnimo dhanka wax-barashada ah,waayo ma awoodo inuu casharro xidfiyo,waxaana intaasi u sii dheer, isla-hadal iyo wel-wel.

4-XANUUN KU YIMAADO QOORAHA:Waxaa dhacda in GACANKU RAAXEYSIGA BADAN uu xanuuno daran ku keeno XINIINYAHA iyo inuu qofka biyo-baxo isagoo aan dareemin KACSI ama aysan kicin oo kor u istaagin xubinta tartanka.

5–DAAL BADAN: Qofka saaxiibka la noqda SIIGADA,waxaa uu dhib ku qabaa inuu xitaa wax yar ordo,kubbad dheelo,socdo,ama uu koro meelaha taagga ah,sida,BURAHA”.Saaxibadiisa ayuu caan ka dhex noqdaa, waxaana loogu yeeraa “MUDANE NEEF-TUURAAYE”.

6-ARAGGA OO DACIIFA: Qofka oo da’yar ayaa ayaa ka cabta xanuunno indhaha ah,waxuuna dhib ku yimaadaa awoodda arraga qofka.Waxaa intaas u sii dheer, Lafo-garaac iyo Timaha oo si xowli ah u daata iyo muuqaalkaaga oo dilma.

Sidookale, waxaa Jira dhibaatooyin badan oo laga dhex-galo SIIGADA,xilliyo kale ayaad kala socon doontaan mareegtan Alcarabiya.com.
Lasoco maqaalkaxiga oo ka hadleyno sida uu qofka isaga deyn karo SIIGADA!











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment