Waa Tuma Atariishadii Musalsalkii Qayaamo (Aisha Oo Kamid Aheyd Laadariinta Musalsalka) Wax Ka Ogow!

Bulsha:- Atariishadan magaceeda dhabta ah waxaa ladhaha Sanjeeda Sheikh waxayna dhalatay 20 Dec 1984 ayadoo kudhalatay Kuwait.

xidigtaan waligeed inee atariisho noqon doonto kuma aysan fikirin balse waxaa dhacday inee timid Mumbai ayadoo saaxiibadeed ku caawineyso inee furtaan iskuul Dance ha lagu barto.

intaa kadib waxay bilawday inee la qabsato jawiga Mumbai maadama ay waligeed Kuwait ku nooled sidaa awgeed markii dambena hami jilaanimo ayaaba gashay.

waxay sameysay sedex filim oo koonfur hindiya ah mudo halsano iyo bar, intaa kadib waxay bilawaday inee kashaqeyso Tv yada ayadoo isku bedeshay xidig musalsalada sameyso.

waxay bilawday musalsalkeedii koowaad ee ahaa Kyaa Hooga Nimmo Kaa ayadoo hadana ku xijisay Daal Mein Kala.

hadaba labadaas musalsal wixii kadambeeyay waxay noqotay xidig cago dhigato qaab jiliinkeedana laga helay sidaa awgeedna waxay noqotay qof musalsal kasto ayada lala sooraadsado.

hadaba sanadkii 2007 ayaa waxaa door weyn laga siiyay musalsalkii weynaa sanadkaas tv yada qabsaday Kayamath inkastoo ay ayada kusoo biirtay tvyda 2005 hadana mudo labo sano ah ayee daawadayasha kusoo jiidatay labo musalsalna kusameysay.

hadaba musalsalka Kayamth ayaa waxay ka cayaareysay laba door oo kala duwan midna ay ku mataleysay doorkii Aisha oo Prachi dhibi jirtay hadana doorkale ayee musalsalkaa ka qabsatay oo aha doorkii Gayatri oo isna ay Prachi kaga soo horjeedo.

qaab jiliin Classic ah ayee kusoo bandhigtay musalsalkaas xidigtaan, waxaaba ladhihi karaa Aisha la’aanteed musalsalkaas lamaba daawadeen xamaasadna ma yeeshteen.

wixii intaa kadambeyay waxay noqotay xidig weyn, waxaa kaloo xusid mudan inee ku guuleysatay tartankii showgii Nach Baliye3.

xidigtaan waxay sanadii 2012 bishii Mar 2 deedii la aqal gashay wiilkii ay mudada dheer saaxiibaha ahaayen ee Aamir Ali.
sidoo kale waxay kasoo muuqatay filimkii Bhagban ee 2003 soobaxay kaaso uu hogaaminayey Amitabh Bachchan, waxaa kaloo xusid mudan in xidigtaan ay waligeed taagero u aheyd xidigaha dhanka jaceylka looga haray ee SRK iyo Kajol.

dhamaan filimada jacelka ay sameyeen labadaas xidig wey daawatay, sido kale waxay kasoo jeeda dad diinta islaamka heesta sidaa awged aqriste gabadhani waa qof diinta islaamka heysta balse aynu war u heenin inee kudhaqanto iyo in kale.













Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment