Salman Khan Hadiyada Uu Siiyay Atirishada Reer China Zhu Zhu Oo La Ogaaday

Bulsha:-  Mega Star Salman Khan waa qasab qofkii shaqo qurux badan la qabto inuu ka farxiyo sidoo kalena hadiyad qaas ah si lama filaan ah u siiyo.

Hadaba waxaa la sheegay Salman Khan inuu hadiyad siiyay atirishada reer China Zhu Zhu oo Super Star-kaan la sameesay filimkiisa Tubelight.

Warbixin rasmi ah ayaa lagu xaqiijiyay in Salman Khan uu hadiyad ahaan u siiyay Zhu Zhu eey yar sidoo kalena wey ku faraxday hadiyada uu Salman siiyay xidigtaan.

Salman Khan ayaa la sheegay inuu aad u jecel yahay xeywaanada kala duwan wuxuuna lama filaan kaga dhigay Zhu Zhu inuu Eey yar hadiyad u siiyo.

Filimka Tubelight waxaa la daawan doonaa 23-ka June 2017 oo ku beegan maalinta feestada Ciidul Fitriga waana maalin u qaas ah Salman madaama sanad walbo Ciidul Fitriga xidigaan filimkiisa tiyaatarada la saaro.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment