Blogger Widgets

Priyanka Chopra Goos Gooska Sedexaad Ee Filimkeeda Baywatch Muuqaalo Badan Ayaa Laga Siiyay (+Video)

Bulsha:-  Atirishada Bollywood-ka ku faanaan Priyanka Chopra filimkeeda Hollywood-ka ah Baywatch goos gooska sedexaad ayaa laga soo bandhigay.

Priyanka Chopra markaan xarago dheeraad ah ayay goos gooska Baywatch kusoo bandhigtay waana laadarada filimkaan ayadoo door xumaan ah mataleyso.

Badda loo dalxiis imaado Bay waxaa ilaaliyaal ka ah Dwayne Johnson, Zac Efron, Alexandra Daddario iyo kuwo kale balse deegaankooda waxaa iibsaneyso gabadha maal qabeenka ah Victoria oo dhulka xeebta ah qorshe kale ka leh inay daroogada ku iibiso iyo arimo kale oo sharci daro ah.

Hadaba Victoria (Priyanka Chopra) waa qof caqli badan sidoo kalena quruxdeeda ragga ku kala disho mana dooneyso in kooxda Baywatch inay qorshaheeda ogaadaan.

Filimka Baywatch waxaa gudaha Hindiya laga daawan doonaa 26-ka May 2017 halka gudaha USA laga daawan doono 2-da June.

Fadlan hoos kaga bogo goos gooska sedexaad ee filimka Baywatch laga soo bandhigay iyo soo jiidashada ay PC shaashada la timid:











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Brothers Group

This is a short description in the author block about the author. You edit it by entering text in the "Biographical Info" field in the user admin panel.
    Blogger Comment
    Facebook Comment