Kooxdee ayaa haatan hogaamineysa loolanka loogu jiro saxiixa Tiemoue Bakayoko, ma Chelsea mise Man Utd?

Bulsha:- Chelsea ayaa hogaamineysa loolanka loogu jiro saxiixa xiddiga qadka dhexe Tiemoue Bakayoko inkastoo ay soo kordhayaan tirada kooxaha doonaya xiddiga xoogan ee kooxda AS Monaco.

22 sanno jirkaan ayaa la filayaa inuu xagaagaan ka tago hogaamiyeyaasha horyaalka France kuwaasoo bedelkiisa u arka xiddiga qadka dhexe ee kooxda Anderlecht Youri Tielemans.

Kooxaha Manchester United, Manchester City, Bayern Munich iyo Juventus ayaa sidoo kale dhammaantood isha ku haya saxiixa Bakayoko waxayna si dhow ula socdeen horumarkiisa xilli ciyaareedkaan, inkastoo sidoo kale ay janjeersanayaan dhanka Tielemans.

Si kastaba ha ahaatee, Daily Mail on Sunday ayaa maanta qoreysa inay Chelsea hogaamineyso uguna cadcadahay saxiixa Bakayoko maadaama tababare Antonio Conte uu doonayo inuu xiddigaan boos joogto ah kusoo jiito isagoo ka garab ciyaarsiinaya N’Golo Kante iyo Nemanja Matic.
Chelsea ayaa la filayaa inay xagaagaan iska iibiso kubadsameeye Cesc Fabregas oo kusii jeeda AC Milan, halka Manchester United ay dooneyso Willian, waana sababta ay usoo xerogelineyso Bakayoko oo muddo dheer diiradda u saarnaa.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment