Huma Qureshi “Dadka Waxay U Maleeyaan In Ingiriis Aan Ku Hadli Karin!”

Bulsha:- Atirishada caanka ah Huma Qureshi ayaa iska difaacday kuwa iyada wax ka sheegaan oo aaminsan inay Af Ingiriiska ku hadali karin xili ay tahay xidig caalami ah.

Huma Qureshi waxay ku biirtay Hollywood-ka ayadoo kasoo muuqan doonto filimka Ingiriiska iyo Hindida wada jileen ee lagu magacaabo Viceroy’s House.

Huma Qureshi waxay tiri “Dad badan ayaa u maleeyaan inaan Af Ingiriis aqoonin balse marka ay dadkaas ila kulmeen wey yaabeen sida aan Ingiriiska ugu hadli karo”

“Inta badan doorka aan saameyo ayay dadka u qaataan inay nolosheyda ka turjumeyso tusaale ahaan filimkii Gangs of Wasseypur waxay ku jilaayay gabbar reer Bihar ah waxayna dadka u qaateen inaan Bihar kasoo jeedo anigana waligey halkaas ma tagin waxaan ku dhashay kuna bar baaray Delhi”

Huma Qureshi ayaa amaan kala duwan ku heshay filimada ay sameesay sida Gangs of Wasseypur, Ek Thi Daayan, Dedh Ishqiya iyo Jolly LLB 2.

Huma Qureshi filimkeeda xiga waa Dobaara: See Your Evil waa filim cabsi ah lana daawan doono 19-ka May 2017.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment