General Gabre oo ka Xanaaq Jawaabtii Farmaajo, Bartiisa Twitter-kana ku Muujiyay Caradiisa (Akhriso)

Bulsha:- Gabre oo ah Sarkaal ka tirsan sirdoonka dowladda Itoobiya, ayaa eedeyn u jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya mudane, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo.

General Gabre ayaa Bartiisa Twiter-ka uu ku leeyahay wuxuu ku soo qoray hadalo eedeyn ah oo Madaxweynaha uu ujeediyay, wuxuuna sheegay Madaxweynaha uu xushmeyn waayay ciidamada Itoobiya ee Amisom ka tirsan kuwaas oo ku sugan magaalada Baydhabo.

Sarkaalkan ayaa sheegay safarkii Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tagay Khamiistii Magaalada Baydhabo inuu kula kulmay Saraakiil ka tirsan dowladda Itoobiya oo hawlgalka Amisom qaybta ka ah, waxana ay ka dalbadeen in laga talo galiyo arimaha siyaasadda Soomaaliya sidii waagii hore.

Balse Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay inuu ku gacan seyray arintaasi, islamarkaana Saraakiisha ciidamada Itoobiya uu u sheegay inaysan wax shaqo ah ku laheyn siyaasadda Soomaaliya.

General Gabre oo arintaasi ka carooday ayaa hadalkan labadan qoraal ku soo qoray bartiisa Twiter-ka.



“Madaxweynaha Soomaaliya xushmo darro ayuu ku sameeyay ciidamada Amisom gaar ahaab kuwa Ethiopia markii uu booqday magaalada Baydhabo.” iyo “Formaajoow ma hilmaamtay kulankii aad la yeelatay Ra’iisl Wasaaraheenii hore ee Miles Znawi iyo wixii uu kugu yiri Markii aniga la’isoo Wacay”



Tan iyo markii Somaliya loo doortay madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa aad u yaraaday dhaq-dhaqaaqa siyaasadeed ee General Gabre, iyo galaangalkii uu ku lahaa xukunka dalka Soomaaliya.













Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment