Daawo: Xaglotoosiye oo Jawaab siiyey C.xakiin Camey “Garoonka Buuhoodle Garoowe Fasax ugama Baahna”

Bulsha:- Saleebaan Ciise Axmed (Xaglotoosiye) oo maanta Warbaahinta kula hadlay magaalada Buuhoodle ayaa ka Jawaabay Hadal kasoo yeedhay Madaxwayne ku xigeenka maamulka Puntland Cabdixakiin Camey oo sheegay in Buuhoodle aysan ka Degi karin Diyaarad aan Fasax ka haysan Puntland Xili deegaanka ay ka Jirto Xaalad Adag.


“Buuhoodle Diyaarada Imaanaysa, Garoowe  Fasax ugama Baahna, oo Shaqo iskuma Lihin Puntland,   Cidkasta oo Gurmadka  Ka qayb Qaadanaysa, waanu soo Dhowaynaynaa Fasaxna Meelna ugama Baahna “ Ayuu yidhi.

Dhowaan ayaa madaxwayne ku xigeenka Puntland waxa uu sheegay inaysan Diyaarad aan Fasax ka haysan Puntland ka degi karin Garoonka Buuhoodle, Isagoona Hor istaagay Wafdi ka socday Maraykanka oo madaxda Khaatumo ay Kasoo shaqeeyeen inay yimaadaan Deegaanka.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment