Daawo: Diyaarado dagaal oo duqeeyay Saldhig Al-Shabaab ku leeyihiin GEDO

Bulsha:-  Diyaarado dagaal oo aan la aqoon dalka laga leeyahay ayaa xalay saqdii dhexe duqeyn culus ka geystay deegaan ka tirsan Gobolka Gedo oo ay saldhig ku leeyihiin Al- Shabaab, Wararka ayaa sheegaya in diyaaradaja duqeynta geystay ay illaa lix gantaal ku garaaceen deegaanka War-Gaduud oo u dhow Ceel Cadde.


Dadka deegaanka ayaa sheegaya inay maqlayeen qaraxyo waa weyn, waxaana la ogeyn khasaaraha ay geysteen duqeyntan, Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Gedo ayaa sheegay inay jirto duqeynta, balse aanay faah faahin ka heyn cida geysatay iyo hadii ay khasaare geysatay.

Wararka qaar ayaa sheegay in duqeyntan looga shakisan yahay inay geysteen Mareykanka, maadaama duqeynta dhacday iyo qaraxyada la maqlay ay yihiin kuwo aan horay nooceeda la maqal.

Deegaanka War-Gaduud ayaa la sheegaa inay saldhig xooggan ku leeyihiin Al-Shabaab, waxaa ku yaalo xero tababaro iyo madaaris waxbarasho.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment