Diraca muxuu raga u kiciyaa siiba marka ay buuran tahay naagta

Bulsha:- Hablaha soomaaiyeed oo dibadda ku nool aad bay u qaataan diraca, siiba marka xafladaha la tagayo ama aroosyada, run ahaantii diraca ma habboona in lagu qaato maal aan ahayn qolka ninkaaga, waayo diraca ma aha dhar loogu talaggalay inaad ku qaadato banaanka, siiba diraca jabuuti oo khafiifka ah, soomaalida waqtigii dawladda waxay qaadan jireen dirac aad khafiif u ah, oo ay ka dhex muuqdaan naasaha iyo caloosha iyo xudunta gabadha,

qaar waxay ku hoos wataan rajastiino ama rajabeeto  oo naasahooda qarisa, qaarna maba wataan, naasaha waxaa la arkaa iyagoo sidooda ah, naag dirac keligiisa wadata wax ma dhaanto naag toos u qaawan, wali waxaa yaab badan hablaha qaarkood marka isla degan yihiin waxay qaataan diraca keligiisa isagoo kastuumo la’aan ah,

waxay leeyihiin gabdho keliya ayaa ila degan waa caadi, shuunka oo dhan diraca ayaa laga dhex arkaa, runtii taas waa dabaalnimo iyo dulli, gabar haddii ay tahay yaa u baneeyay inay shuungaaga aragto?, shuunka waa cawro maxaayeelay wuxuu ku yaallaa farjiga, naag gabar kale cawradeeda ma arki karto, waxaa habboon inay gabadha guriga ku qaadato saako oo adag, taas ayaa asturaad ah.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment