Nin xaaskiisa ku furay Bisha Malabka kadib markii uu markiisi ugu horeeysay aragyay wajigeeda oo Make up la’aan ah

Bulsha:- Sheekadaan la yaabka leh ayaa ka dhacday magaalo madaxda dalka Channa ee Accra, waxaana ninkan uu xaaskiisa ku dhex furay intii ay ku gudo jireen Bisha Malabka, kadib markii uu markiisi ugu horeeysay aragyay wajigeeda saxda ah ama Make up la’aan ah.

Ninkan oo 40 jir ah ayaa qaatay go’aan deg deg ah, waxaan uu furay xaaskiisa oo 35 jir lagu sheegay, kadib markii ay kula kacday Khiyaano weyn, taasoo ah ineey mudo u isticmaaleysay waxyaabaha dumarka isku qurxiyaan sida Make up-ka iyo Kuusha indhaha la gashto.

Ninkan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Guurku uusan ahayn in qurux kaliya laysku raaco, balse haweeneeydan ay kula kacday Khiyaano taasoo sababtay inuu furo.


Warbixin lagu daabacay wargeys kasoo baxa dalka Channa, ayaa lagu sheegay in Haweeneeyda ay mudo qarineysay wajigeeda dhabta ah, balse maalinki dambe iyada iyo saygeeda ay isku raaceen Swimming Pool, taasoo soo dadajisay inuu arko wajigeeda dhabta ah islamarkaasna uu halkaas ku dalaaqay.
Waxa uu sheegay inuuba garan waayay ineey xaaskiisi saxda ahayd tahay iyo inkale oo uu ku wareeray, balse markuu xaqiiqada ogaaday qaatay go’aanka ah inuu furo.

Arooska iyo aroosadan ayaa markii hore iska bartay Facebooka, waxaana mudo 3 Bilood ah kadib ay ku heshiiyeen Guur.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment