Qaab Dabiici Ah Oo Loo Baabi’in Karo Finanka Wajiga (ACNE)

Bulsha:- Findoobka/acne ama finqooqa sida dadka qaar u yaqaanaan waxa ay ka soo bixi karaan sanka kaliya ama wejiga oo idil, waxayna ka dhashaan qanjirro maqaarka ku dhex abuuran oo aad u yaryar oo soo saara dheecaan saliid ah oo maqaarka subkiya, qanjiradaas ayaa ka xirma afka kadibna bararaan markii la riixane waxaa ka soo baxa wax cad oo adag oo dadka qaar ay moodaan malax.malab_qorfe_acne

Daraasado caafimaad oo la sameeyay ayaa lagu xaqiijiyay in malabka iyo qorfaha (Cinnamon) ay daaweeyaan xanuun badan, waxaana ka mid ah xanuunada wadnaha, curuuqda dhiiga- Arthritiska, Hargabka, calool qushqushka, xoojinta difaaca jirka, daalka, finanka wajiga iyo qaar kale oo badan.

Daawadana waxa laga sameeyaa isku jir ka kooban malabka iyo budo qorfe la ridqay ah. Isla markaana waxa la xaqiijiyey in aanay daawada malabka iyo qorfuhu lahayn wax dhibaato daawo ah (medicines side effects), sababta oo ah waa wax dabiica ah oo aan kimiko ku jirin ama aan laga samaynin.

Hadaba waxaan halkaan idin kugu soo gudbinaynaa sida malabka iyo qorfaha loogu daaweeyo finanka wajiga.

Waxaad u baahantahay malab, qorfe budo ah (cinnamon powder), baaquli iyo malqacad/qaado.

1 qaado oo qorfe budo ah  ku shub baaquliga, ku dar 2 qaado oo malab ah, si wanaagsan  iskugu qas, kadibna wajiga mari oo u daa mudo 15 daqiiqo ah kadibna biyo qandac ah isaga mayr. Maalin kasta ayaad isticmaali mask-haan.

Xeelad kale: waxaad isku qastaa 1 qaado oo huruud ah, 1 qaado oo malab ah iyo 2 qaado oo caano ah. kadibna wajiga iyo qoorta si wanaagsan u mari adigoo isticmaalaya brush sababtoo ah hadii faraha isticmaashid ciddiyaha ayaa jaalle ku noqonaya oo huruuda ayaa ku dhagaysa. 10 daqiiqo kadib iska mayr. mask-haan asbuuci 2 jeer ayaad isticmaali kartaa.

Way kaa baaba’ayaan finanka (acne) iyo nabraha, wajigana dhalaal ayaa u kordhaya insha Allah




Isha:- Qurbo


_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment