Xukuumadda Somalia oo ku dhawaaqday in la xoojinayo Amniga Muqdisho xilliga doorashada

Bulsha:- Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa Maanta waxaa uu ka hadlay xaaladda amni ee xilligaan qorshaha uga degsan wasaaradda Amniga iyo tallaabooyinka dhanka amniga ah ay u qaadeen.

Waxaa uu Wasiirka qiray inay weli jiraan caqabado dhanka amniga balse wax laga qaban doono ayna socdan qorshooyin lagu tayeynayo Ciidammada booliska ee ka howlgalla muqdisho si ay u xoojiyan amniga caasimadda maadaama lagu guda jiro xilli dooraho

Wasiirka oo ka qeyb galayay Barnaamij ka baxayay Warbahinta dowladda wuxuu sheegay in malmihii la soo dhaafay amniga Caasimadda siweyn loo adkeeyay, isla markaana Ciidamada ay gacanta ku dhigeen Kooxo burcad ah oo dhac u geysanayay dadka Shacabka ah.

Wasiirka oo ka hadlayay hubka sharci darrada ah ee lagu qaato Magaalada muqdisho ayaa waxaa uu faray  laamaha maniga inay ka hortagaan cid kasta oo hubka sharci darro ah ku dhex qaadata Magaalada Muqdisho.


“ Waxaan rabaa inaan Shacabka Soomaliyeed u xaqiijiyo in uu jiro qorsho amni oo aan u dejinay dalka gaar ahaan Muqdisho, mana aqbaleyno in hub sharci darro ah lagu qaato Magaalada Muqdisho, laamaha amnigana waa ainay tallaabo ka qaadaan ayuu yiri” Wasiir Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Warkaan kasoo yeeray Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa kusoo aadaya xilli habeenadii la soo dhaafay Ciidamada kala duwan ee dowladda Soomaaliya ay howlgallo kala duwan wadeen Magaalada Muqdisho.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment