Wararkii ugu dambeeyey ee kursiga Mahdi Guuleed iyo Rooble oo soo farogeliyey

Bulsha:- Muran ayaa weli ka taagan kursiga uu qaatay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Guuleed Khadar kadib markii uu si farsameysan usoo wareejistay kursi aysan jufadiisa laheyn.

Guddiga khilaafkaadka doorashooyinka ayaa joojiyey ansixinta kursiga kadib markii ay dacwad soo gudbisay jufadii laheyd kursiga oo ku doodeyso in laga boobayo kursigooda.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka ayaa tan iyo markii la hakiyey ansixinta kursigiisa wuxuu waday dadaallo uu ku doonayo inuu ku sharciyeysto kursigaas.

Sida ay Jowhar Online xog ku heshay Mahdi Guuleed ayaa kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, wuxuuna dacwad ka gudbiyey Wasiirka Warfaafinta Cismaan Dubbe oo meel fagaare ah ka weeraray doorashadii uu kusoo baxay Mahdi Guuleed.

Mahdi Guuleed ayaa ergadii dooraneysay kursigiisa wuxuu ka reebay suldaanka Beesha uu kasoo jeedo Dubbe taasoo keentay inuu Dubbe ka shaqeeyo sidii dacwad looga gudbin lahaa kursiga uu qaatay.

Rooble ayaa guddi ka kooban seddex xubnood oo laba kamid ah yihiin wasiirada Xukuumadda u xil saaray xalinta arrintaan, waxaana la xaqiijiyey inay meel isugu keeneyn Duube iyo Mahdi, islamarkaana la dhameeyey khilaafkooda.




Sidoo kale, guddiga uu Rooble kiiskaan u xil saaray ayaa la kulmay guddiga xallinta khilaafaadka, waxayna kala hadleyn sidii kursigaan loo ansixin lahaa shuruud la’aan.

Wararkii ugu dambeeyey ee la helayo ayaa sheegaya in guddiga ay aqbaleen soo deejinta guddiga uu Rooble magacaabay, balse waxay dalbadeyn in la sugo waqtiga ay sheegeyn inay go’aan kusoo gaarayaan oo aheyd 7 Maalin oo ka bilaabatay 2 Bishaan November.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment