UK oo la safatay DF, kana hortimid qorshaha muranka dhaliyey ee Midowga Afrika

Bulsha:- Dowladda UK ayaa kula safatay dowladda federaalka Soomaaliya inay ka hortimid qorshaha howlgalka AMISOM loogu beddelayo howlgal wadajir ah oo ka kooban QM iyo Midowga Afrika, sida uu dhowaan soo jeediyey Golaha Ammaanka iyo Nabadda Midowga Afrika. 

Go’aankan ayaa waxaa shaacisay safiirka UK ee QM Barbara Woodward oo shalay khudbad ka jeediyey kulan uu Golaha Ammaanka QM ka yeeshay xaaladda Soomaaliya.

Barbara Woodward ayaa sheegtay in aragtidooda ay tahay in taageerada amniga ee caalamka uu siiyo Soomaaliya ay noqoto mid la awoodi karo oo suurta-gal ah, ayna taageeraan u gudbidda hanaan amni oo Soomaaliya ay hogaamineyso, taasi oo qeyb ka ah Qorshaha Kala-guurka Soomaaliya (Somalia Transition Plan), marka ay baxaan AMISOM.

“Aragtideenu waxay tahay in hanaanka howlgalka dhinacyada badan ee ka kooban Midowga Afrika iyo QM ee ay soo jeediyeen Golaha Ammaanka iyo Nabadda Midowga Afrika uusan middaas ku guuleysaneyn,” ayey tiri Barbara.

“Wuxuu ka hor-imanaya fikradda horusocdka ah ee u gudbidda mas’uuliyad amni oo si buuxda ay u leeyihiin Soomaalida.” 

Safiirka UK ayaa sheegtay in heshiis laga gaaro hindisaha Midowga Afrika iyo QM, ayada oo wadatashi lala sameynayo dowladda federaalka, ay ka dhigan tahay in laga gudbo is-mari waaga hadda taagan, lana helo heshiis horey loogu dhaqaaqo. 

“Hindisaha noocan ah wuxuu ka tarjumayaa hadafyada aan wadaagno ee ah inaan ilaalino guulaha lagu soo dhibtooday ee AMISOM ay gaartay balse aan billowno ka gudbidda taageero dibedda ah iyo u gudbidda in Soomaalida ay si buuxda u qaataan mas’uuliyadda amniga, si waafaqsan qaraarkii Golaha Ammaanka ee 2568,” ayey tiri safiirka UK ee QM Barbara Woodward. 


Safiirka ayaa dhinaca kale sheegtay inay muhiim tahay in Soomaaliya ay soo gaba-gebeyso hanaanka doorasho ee hadda socda, taasi oo ay sheegtay inay muhiim u tahay amniga iyo barwaaqada dalka ee muddada fog. 

Go’aanka UK ayaa garab weyn u ah dowladda federaalka oo horey ugu gacan seertay in howlgalka AMISOM loo beddelo mid QM iyo Midowga Afrika ah, islamarkaana dalka ka ceyrisay ku-xigeenkii eregyga Midowga Afrika ee Soomaaliya Simon Mulongo, sababo ay arrintan qeyb ka tahay. 










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment