SAWIRO:- Meydka Agaasimihii Radio Muqdisho oo la Aasay

Bulsha:- Waxaa Maanta Khabuuraha Isbitaalka xoogga dalka ee Magaalada Muqdisho lagu Aasay Alle ha u naxariistee Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdi Casiis Maxamuud Guuleed (Afrika) oo xalay lagu dilay qarax ismiidaamin ahaa oo ay la beegsadeen Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, mas’uuliyiin iyo dadweyne ayaa salaadda Janaazada kula tukaday masjidka Shuhadada ee madaxtooyada meydka allaha u naxariistee Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdi Casiis Maxamuud Guuleed.

Aaska ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, Siyaasiyiin, Madaxda Warbaahinta iyo inta badan Wariyeyaasha ka howlgalla Caasimadda.

Janeraal Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) oo kamid ah Ehellada Marxuum Cabdi Casiis Afrika ayaa ka sheekeeyay waxa uu ka yaqaanay, isaga oo sheegay in uu ahaa Nin howlkar ah oo Qaranka si wanaagsan ugu soo Shaqeeyay.

Dhamaan Madaxdii iyo Bahda Saxaafadda ee ka qeyb galay Aaska Marxuum  abdi Casiis Afrika ayaa waxaa ay u tacsiyadeeyeen qaraabadiisa iyo Asxaabtiisa, iyaga oo sheegay in uu ahaa mid Bulshadiisa iyo Qarankiisa sidii la rabay ugu adeegay.



Alle ha u Naxariistee Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdi Casiis Maxamuud Guuleed (Afrika) ayaa in ka badan 13 sano waxaa uu ka howlgalayay Warbaahinta dowladda, waxaana uu caan ku ahaa Barnaamijka Guungaar oo lagu wareysan jiray ragga kasoo goosta Al-Shabaab.













Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment