Ra’iisul wasaaraha Abiy: Waxaa Jiray Dad Caddaan Iyo Madow Isugu Jiray Oo Ka Garab Dagaallamay TPLF

Bulsha:- Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya ayaa markii ugu horeysay ka hadlay magaalooyinka  Dessie iyo Kombolcha  oo ay qabsadeen xoogagga TPLF ayaa sheegay in dagaalka ay kooxda kula jiraan ay qeyb ka yihiin gacma shisheeye oo garabsiinaya Tigrayga.

Abiy oo ka soo muuqday warbaahinta ayaa xilli uu khudbad u jeedinayay mas’uuliyiinta xukuumaddiisa si cad u sheegay in dagaalka uu sii balaaranayo.

“Waxaa jiray dad caddaan iyo madow isugu jiray oo ka garab dagaallamay xooggaga TPLF, kuna dhintay dagaalka,” ayuu yiri Abiy.

Xoogagga TPLF ayaa sheegay in dagaalka ay kala barbar dagaalamayaan dhankooda qowmiyadda Oromia oo ka mid ah qowmiyadaha ugu tirada badan dalka Itoobiya dad ahaan.

Abiy Ahmed iyo xukuumaddiisa ayaa wajahaya dagaalkii ugu adkaa sanad kadib markii dalka Itoobiya uu dagaal ka bilaabmay.

Oromia iyo Tigray ayaa dhankooda sheegay in u jiheeysteen Adis ababa qorsheynayaanna in dalka ay kala wareegaan xukuumadda Abiy.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment