Qaramada Midoobay oo 8 milyan oo dollar u qoondaysay wax ka qabashada abaaraha ka jira Soomaaliya

Bulsha:- Madaxa bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay Martin Griffiths ayaa 8 milyan oo doolar uga qoondeeyay sanduuqa wax ka qabashada xaaladaha degdega ah ee dhexe si wax looga qabto abaaraha ka jira Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa waxaa ka jira xaalado abaareed oo aad u daran kadib markii labo xilli roobaad oo xiriir ah ay baaqdeen, gaar ahaan kuwa saameeyay Koonfurta Soomaaliya.

Xilli-roobaadka hadda ayaa sidoo kale la saadaaliyay in ay liitaan oo ilaa hadda ay ka hooseeyaan Taasi waxay keentay cunto yari iyo biyo yari, waxay halis galisay nolosha dadka, waxayna kordhisay khatarta cudurada faafa.

Saddexdii bilood ee u dambeeyay 2021, 3.5 milyan oo qof – 22 boqolkiiba dadweynaha – ayaa la filayaa inay soo wajahdo cunto yari, 1.2 milyan oo carruur ahna waxay u badan tahay inay hayso nafaqo-xumo ba’an.

Qoondayntan waxa ay u adeegaysaa laba ujeedo. Ugu horeyn, waxa ay maalgelin doontaa hawlo bini’aadantinimo oo degdeg ah oo lagu beegsanayo in ka badan 606,000 oo ka mid ah dadka ugu nugul Jubaland iyo Koonfur Galbeed.


Tallaabadani waxay diiradda saaraysaa gargaarka lacagta caddaanka ah ee aan shuruudda lahayn oo ah jawaabta ugu weyn, taas oo ka caawin doonta qoysaska inay daboolaan baahiyahooda cunto ee aasaasiga.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment