Jaakado qaraxyo ka buuxeen oo la qabtay xilli Muqdisho loo soo waday

Bulsha:- Sida ay inoo xaqiijiyeen ciidamada Booliska ee kusugan fariisinta siinka dheer ayaa gacanta ku dhigay waxyaabo qarxa iyo dadkii waday.

Ciidanka ayaa ka hor tegay jaakad qaraxyo ku xirnaayeen oo loo soo waday Muqdisho,kadib markii ninkii waday mootada la baaray lagana helay waxyaabahaasi qaraxa ku xirnaa.


Inkastoo weli baaritaan lagu hayo qaraxa la qabtay iyo halka loo waday balse waxaa la hakiyey dhaq dhaqaaqa deegaankaasi.

Taliska booliska soomaaliya ayaa lagu wadaa inay war kasoo saaraan qaraxyada lagu qabtay maanta deegaanka siinka dheer ee Muqdisho.

Al Shabaab ayaa inta badan fuliya weerarada loo adeegsado qaraxyada ismiidaaminta ah,waxaana dhowr jeer ay sababeen khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac weeraro la fuliyey.













Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment