Itoobiya oo sheegtay inay qabatay Soomaali la Shaqeyneysay TPLF

Bulsha:- Ciidamada Booliska Federaalka Itoobiya ayaa shaaciyay inay gacanta ku dhigeen dad Soomaali ah oo la Shaqeeynayay Kooxda TPLF ee ka dagaalameysa Waqooyiga Itoobiya, intii uu socday dhaqan-gelinta xaaladda deg-degga ah.

Ku-xigeenka taliyaha guud ee ciidanka booliska federaalka ee qeybta ka-hortagga dambiyada, Melaku Fenta iyo taliyaha booliska Addis Ababa, Getu Argaw ayaa shir-jaraa’id oo ay qabteen ku sheegay in dadkan gacanta lagu dhigay kaddib hawl-gallada ka-hortagga dembiyada iyo baarista, iyada oo hawl-galkaas loo fuliyay si waafaqsan xeerka deg-degga ah.

Warkaan ay boolisku soo saareen ayaa lagu sheegay in ciidamada booliska ay kala shaqeynayaan shacabku si loo sameeyo wacyi-gelin.

Waxaa kale oo ugu dambayntii war-bixinta Booliska lagu sheegay in kooxda TPLF oo tan iyo markii la Aas’aasay ay dadka shacabka ah xasuuq iyo jir-dil u gaysato ay ku hawllan tahay sidii ay u abaabuli lahayd argagixiso si ay dalka ugu soo dhuuntaan falal argagixisana ka gaystaan Addis Ababa.


Ciidamada Federaalka Itoobiya ayaa dhowrkii bilood ee la soo dhaafay waxaa ay dagaal adag kula jiraan Ciidamada Kooxda TPLF iyo xulafadooda, hayeeshee Kooxda TPLF ay gacanta ku dhigtay Magaalooyin ay ku sugnaayeen Ciidamada Federaalka Itoobiya.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment