Halkee ayey mareysaa dacwadda kursiga Mahdi Guuleed?

Bulsha:- Xildhibaan Xuseen Carab Ciise ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey halka ay mareyso dacwadda uu u gudbiyey guddiga xallinta khilaafaadka ee ka dhalatay kursiga HOP239 oo uu ku soo baxay Mudane Mahdi Guuleed.

Xuseen Carab Ciise oo horey kursiga ugu fadhiyey ayaa ku eedeeyey ra’iisul wasaare ku xigeenka inuu boobayo kursi aysan laheyn beeshiisa, isaga oo adeegsanayo xuukuumadda.

Xildhibaanka oo wareysigan siiyey Universal TV ayaa sheegay in weli uu ka war sugayo go’aanka guddiga xallinta khilaafaadka oo go’aan ka gaaraya dooda ka dhalatay kursigaas.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay jiraan dad gaar ah oo fara-gelin ku hayo guddiga, isaga oo ugu baaqay inay faraha kala baxaan arrintaasi.

“Waxaa ku socota fara-gelin culus waxaana leenahay dadka ku haaya waa la wada og-yahay waa inay faraha kala baxaan oo guddiga howshiisu qabsado,” ayuu yiri Mr Xuseen.

Waxa kale oo uu intaasi ku sii daray “Soomaaliya oo dhan indhaha ayey ku heysaa runtii xaq-darradii dhacday kolley cid aana ogeyn ma jirto,”.

Ugu dambeyn Xuseen Carab Ciise ayaa hoosta ka xariiqay haddii kursigaas loo ansixiyo Mahdi Guuleed in ay dhaawac weyn ku tahay Soomaali oo dhan, sida uu hadalka u dhigay.

“Haddii xaq-darro la ansixiyo Xuseen wax lama yeelin, reerkeyga waxba lama yeelin Soomaali ayaa wax la yeelay,” ayuu markale yiri Xuseen Carab Ciise.


Si kataba, guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka ayaa laga war sygayaa natiijada kama dambeysta ah oo qaadan doonto muddo 7 cishe ah, sida loo horay loo shaaciyey, waxaana guddiga uu weli wadaan baaritaano ku aadan dacwadda culus ee loo gudbiyey.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment