Dagaal khasaaro geystay oo ka dhacay Galgaduud

Bulsha:- Dagaalka oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa waxaa uu Maanta ka dhacay deeganka Shilan ee hoos yimaada degmada Balamballe ee Gobolka Galgaduud.

Dagaalka ayaa waxaa uu u dhaxeeyay laba maleeshiyo Beeleed, kuwaas oo dagaalkooda uu salka ku haayo dhul kuyaal degaankaas.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalka ku geeriyoodey hal ruux, waxaana dhaawacyo kasoo gaaray laba qof oo kale oo midu haweeney tahay, sida ay sheegeen dadka degaanka lagu dagaalamay.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi kudsrayaan in weli xiisad dagaal ay ka taagan tahay degaanka lagu dagaalamay, waxaana dagaalka uu yahay mid kusoo laab laabtay degaannada hoostaga degmada Ballanbale.



laamaha Amniga Galmudug iyo kuwa dowladda Federaalka ayaan weli ka hadlin dagaalkaas, hayeeshee waxaa la filayaa in Galmudug ay Ciidamo kala dhex-dhigto dhinacyada dagaalamay.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment