Daawo Sawirada:- Jabuuti oo soo bandhigtay Maraakiib dagaal oo ay soo iibsatay

Bulsha:- Madaxweynaha Jabuuti Ismaciil Cumar Geelle ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigay maraakiib dagaal oo ay soo iibsatay Jabuuti.

Maraakiibtan oo isugu jira kuwo ilaalada xeebaha iyo kuwo kale oo ay adeegsadaan ciidamada Badda

Hadafka maraakabtan ayaa ah hubinta la socodka badda Jabuuti, baadi goobka iyo samata bixinta badda, la dagaalanka tahriibinta dadka, la dagaalanka dhammaan noocyada khataraha sida burcad badeedda iyo galbinta cutubyada maraakiibta waaweyn sida uu sheegay taliyaha ciidanka badda Jabuuti

Taliyaha ayaa intaas ku daray in sido kale maraakiibtan ay ka qeyb qaadan doonan hawlo lagu hubinayo hawlgallada kormeerka badda, oo ay ku jiraan marin-biyoodka Bab el-Mandeb, ilaalinta biyaha hoos yimaada Jabuuti, la dagaallanka gaadiidka sharci darrada ah ee aagga dhaqaalaha iyo gaarka ah



Madaxweyne Geelle ayaa isna sheegay in talaabadan ay ka turjumeyso sare u kaca awoodda Ciidanka Badda Qaranka Jabuuti.
















Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment