Daawo Sawirad:- Axmed Madoobe oo casho sharaf loogu sameeyey Madaxtooyada Garowe

Bulsha:- Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa caawa Qasriga Madaxtooyada kaga qeybgalay kulan Casho Sharaf ah oo loo sameeyay Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo wafdiga uu hoggaaminayo ee ku sugan Garoowe.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, Goleyaasha Dowladda Puntland, Senatarada cusub ee dhowaan la doortay iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Garoowe.

Kulanka ayaan wax hadal-jeedin ah laga samaynin waxaana lagu koobay sawirro keliya sida ay sheegee dad ku sugan gudaha Madaxtooyada.

Deni iyo Axmed Madoobe ayaa xalay kulamo ku lahaa beryahan magaalada Garoowe kuwaasoo looga hadlayey arrimaha doorashooyinka.





Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa laga soo xigtay in Madaxweyne, Siciid Deni uu yahay Musharrax u tartamaya xilka Madaxweynaha Soomaaliya, islamarkaana u baahan in la garab Istaago.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment